Baki-(Lug)-Xubno ka tirsan komishanka doorashooyinka Qaranka oo uu horkacayo Md. Faarax Isbiimo ayaa booqday maanta magaalada Baki, wafdigan oo maalmahanba ku sugnaa degdooyinka waawayn ee gobolada Awdal iyo Salal ayaa ilaa hada aanan saxaafada uga waramin ujeedada socdaalkoodan.

Wafdigan oo maanta kulano la yeeshay maamulka iyo dadka waxgaradka ah ee degmada Baki ayaan laga warhayn ilaa hada waxa ay ka wada hadleen, ilo xog-ogaal ah aoo ku sugan godaha degmada Baki oo ay la xidhiidhay shabakada Lughayanews ayaa u xaqiijiyay in kulanadii albaabadu u xirnaayeen ee Komishanka iyo reer Baki lagu magacaabay xubno dhowr ah oo wadi doona hawlaha komishanka ee degamada Baki balse lama sheegin magacda dadka ilaa hada la magacaabay iyo intay dhan tahay tiradoodu.

Madaxa wafdigan Md. Faarax Isbiimo oo ay Lughayanews kula xidhiidhay khadka taleefanka ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo hawlahaas waxana uu sheegay in marka uu soo gaadho magaalada Boorama uu arimahaas ka hadli doono.

Si kastaba ha ahaatee wafdigan ayaa isla galabtaba ka soo ambo baxay magaalada Baki laguna wadaa inay caawa u hoydaan magaalada Boorama.

Lughayanews-Baki