sharaab-dhacay-3.jpg

Boorama-(Lug)-Sharaab isugu jira noocyo kala duwan ayaa habeenimadii xalay ahay lagu daadiyay bartamaha suuqa Boorama, sharaabkan oo luugu soo toosay isaga oo daadsan suuqyada Boorama ayaa barqadii maanta ay dawlada hoose ee magaaladu ka urulisay isla markaana gibtay.

 sharaab-dhacay-2.jpg

Kusimaha duqa degmada Boorama Muumin Gadiid Cumar oo saxaafada xafiiskiisa kula hadlay ayaa u sheegay in ay baadhid sameeyeen iyaga oo kaashanaya ciidanka Booliska isla markaana xidheen milkiilayaashii bakhaardii laga soodaadiyay sharabkan iyo waliba rag kale oo la sheegay inay kaariyoonayaal ku soo daabuleen sharaabkan isla markaana ku daadiyeen gudaha magaalada. Md. Muumin gadiin ma carab dhabin magacda dadka ay u xidhxidheen arintan waxana uu xusay in si dhaqso ah maxkamad loo hor keeni doono.

sharaab-dhacay-4.jpg

Waxa kale oo uu Md. Muumin Gadiid si kulul uga digay dadka ganacsatada ah in ay ku kacaan fal la mid ah kan oo kale waxana uu sheegay inay jiraan bakhaaro kale oo ay ka buuxaan raashin iyo sharaab dhacay waxana uu ugu baaqay dada iska leh bakhaardaas iyo raashinkaasba inay la soo xidhiidhaan dawlada hoose si looga qaado loona gubo sharaabkaas.

sharaab-dhacay-3.jpg

Ilaa saaka suuqyada magaalda boorama waxa hadba dhinac u mushaaxayay caruur aad ugu faraxsan inay cabaan sharaab aanay lacag ka bixin cidina aanay ku haysan oo ay suuqyada ka heleen.

sharaab-dhacay.jpg
sharaab-dhacay.JPG
sharaab-dhacay1.JPG
sharab-dhacay.JPG

Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama