sasy.JPGBoorama-(Lug)-kulan balaadhan oo la isugu keenay qaar ka mid ah xil sidayaasha umada, madaxda laamaha sharciga, booliska, ururada haweenka iyo dhalinyarada, qaar ka mid ah culimaaudiinta iyo dadwayne kale ayaa maanta ka dhacay xafiiska

ururada SAYS/Moonlight ee magaalda Boorama, kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen ururada kala ah SAYS, Moonlight Sohura iyo Dalada ACPN ayaa waxa kale ooka soo qayb galay furitaankiisii  mayarka magaalada Boorama, Cabdiraxmaan Shide Bile.

sasy-5.jpg

Agaasimaha fulinta ee ururka SAYS Md. Nuur Aadan Shirdoon oo kulankan furitaankiisii ka hadlay ayaa xusay ahmiyada uu kulankani u leeyahay sidiila isaga kaashan lahaa xal u helida tacadiyada sii kordhaya ee ka dhanka ah dumarka iyo dadka naafada ah, waxa kale oo uu xusay isla markaana si kulul u cambaareeyay cid walba gaysatay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda ay leeyihiin dumarka iyo dadka naafada ahiba.

Agaasime  Nuur waxa kale oo uu xusay in barnaamijkan oo markii hore ahaa mid heer qaran laga soo bilaabay uu yahay midloogu gogol xaadhayo sidii dad daneeyayaal ah loogu samayn lahaa ka hortaga tacadiyadaka dhanka ah dumarka iyo dadka naafada ah, waxa kale oo uu xusay Agaasime Nuur in ururada fulinaya barnaamijkan ay ahmiyad wayn siinayaan sidii bulshada looga heli lahaa dad ka shaqeeya isla markaana daneeyayaal u ah koryeelida dumarka iyo dadka nugul ee ay naafadu ugu horayso.

Waxa kale oo uu Agaasime Nuur ka dalbaday ka qayb galayaasha tirade badan inay si qoto dheer oo aanu daah saarnayn u gorfeeyaan mowduuca madasha isla markaana ka soo saaraan go’aamo iyo ku talo gal mustaqbalka ah oo lagu hago sidii bulshada reer Awdal looga heli lahaa daneeyayaal heer dagmo heer tuulo iyo heer xaafadeed ah oo ka hawl gala sidii loo baajin lahaa tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda haweenk iyo dadka naafada ah.

Waxana uu u mahadnaqay hayada Novib-Somalia oo iyadu barnaamijkan maalgalinaysa
Maayarka magaalada Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile oo isaguna madashan ka hadlay ayaa xusay in uu yahay waajib saran cid walba oo masuul ah in laga hortago tacadiyada ka dhanka ah Dumarka iyo dadka naafada ah, waxa kale oo uu xusay in maamulkiisu ay isbarbar taagayaan ururrada wadaniga ah ee ka hawl gala sidii loo baraarujin lahaa bulshada isla markaana la isaga kaashan lahaa ka hortaga tacadiyadaasi.

Maayarku waxa kale oo uuku tilmaamay in ay muhiim tahay in la gorfeeyo noocyada kala duwan ee tacadiyada isla markaana siwada jir ah loo wada doono xalka ka hortaga tacadiyada bulshada dhexdeda ka jira, waxa kale oo uu ku adkeeyay ka qayb galayaasha inay wax muuqda ka soo saran kulankan isla markaana ka hawl galaan sidii ay u soo saari lahaayeen dad iyagu qaadamasuuliyada kana hawl gala sidii looga wada shaqayn lahaa ka hortaga tacadiyada bulshada dhexdeeda ah ee ka dhanka ah dumarka iyo dadka naafada ah.

sasy-2.JPG

Kulankan oo ahaa mid aad u balaadhan ayaa ka qayb galayaasha oo kooxo kooxo ahai waxa ay si qoto dheer u gorfeeyeen tacadiyada bulshada dhexdeedaka dhaca noocyadooda, meelaha ay ka yimaadaan, inta badana cida gasata, qaabka ay bulshadu u xaliso tacadiyada ka dhex dhaca iyo waliba waxa ay ugu dambaynta noqoto cadaalda ay helaan dadka dhibaatada u nugul ee tacadiyada loo gaysto.

Falanqayn dheer kadib waxa ay ka qayb galayaashii kulankani si wada jir ah u soo saareen baaq ka kooban Lix qodob oo ka dhan ah tacadiyada dhaca isla markaana ku socda dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada. Baaqan oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakada wararka ee Lughayanews ayaa waxa ay u qornaayeen qodabadii uu ka koobnaa sidan:

1. In gudiyo isku dhafan oowacyi galin balaadhan ka dhex sameeya loo sameeyo bulshada. Kuwaas oo bulshada ku baraarujin doona in la baajiyo tacadiyada ka dhanka ah Dumarka iyo dadka naafada ah

2. In cid walba oo hogaanka bulshada ahi ay xil iska saarto sidii looga wada hawl gali lahaa ka hortaga tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo dadka naafada ah, isla markaana la siiyo wax kaqabashada hawshan ahmiyada koowaad.

3. In la kordhiyo ciqaabta iyo ganaaxa ka dhanka ah dadka inta badan gaysta tacadiyada loo gaysto haweenka iyo dadka naafada ah si loo baajiyo in tacadiyadaasi ay noqdaan kuwo marar kale soo noqda.

4. In loo ololeeyo sidii loom eel marin lahaa shuruuc heer baarlamaan, gobol iyo dagmo ah oo ka dhan ah tacadiyada loogaysto haweenka iyo dadka naafada ah mustaqbalka dhow.

5. In xilsidayaasha bulshadu kaalinmuuqata ka qaataan sidii loo caawin lahaa dadka dhibtu ay ka soo gaadho tacadyada kala duwan ee ka dhaca bulshada ee ka dhanka ah haweeenka iyo dadka naafada ah, ha noqoto taageero maaliyadeed iyo midkaleba.

6. In la aasaaso gudiyo isku dhafan oo ay shaqadoodu tahay dabagalka tacadiyada loo gaysto haweenka iyo dadka naafada ah marka ay gaaraan goobaha sharciga, gacanta odayaasha dhaqanka iyo waliba inta ay dhibanayaashu ku jiraan cisbitaalada.

Si kastaba ha ahaatee kulankan maanta oo ku dhamaaday si guul ah ayaa waxa uu ku soo beegmay waqti ay tacadiyada ka dhanka ah haweenkaiyo dadka naafada ah eek u nool gobolka Awdal ay aad u kordhayaan.

Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama