canada.jpgToronto-(Lug)-kadib markii ay burburtay dawladii dhexe ee soomaliya sannadkii 1991   waxa soobadanaya maalinba maalinta kadambaysa dagaalo iyo barokac xoogan  oo ka tagan waddanka Soomaaliya gaar ahaana magaalada muqdisho oo ahayd caasimaddi waddanka  taasina waxay dadkii ku khasabtay inay galaan waddamo badan  oo kuyaal dunuida dacaladeeda.
 
Dalka kanada waxa uu ka mid yahay waddamada kuyaal waqooyiga America oo ay kunool yihiin tiro aad ubadan Soomaali ah kuwaasoo waddanka soo galay markii ugu horrayasay sannadkii 1992kii iyo wixii kadamabeeyay illaa iyo hadana ay soo galaan  waxaan ay ku kal baahsan yihiin dhamaanba magaalooyinka iyo gobolada dalka
 
Dalka kanada magaalooyinka soomaalidu ku badan yihiin waxa kamid ah magaalada Ottawwa oo ah caasimada, toronto, winnipeg, montreal, calgry, london, admiston iyo kuwa kale waxana ay ku haystaan shaqooyin kala jaad jaad ah oo ay ugu badan tahay wadida  tagsiyada iyo basaska carruurta qaada iwm
 
Qaar kalena waxay ka shaqaystaan shirkado iyo hay,ado  dawladu leedahay iyo iyo kuwa  gaar loo leeyahayba  hase yeeshee noloshoodu aad bay u kala duwan tahay marka loo  eego xagga diinta iyo dhaqankaba dad badan ayaa diintooda aad ugu dheggan waloow aanu waddanku ahayn  mid muslim ah waxa aad arkaysaa dad badan oo soomaliyeed iska ururinaya lacag ay ku kiraystaan meel ayku tukadaan iyo meelo ay isku wacdiyaan intaba iyagoo lakaashanaya dawlada iyo muslimiintakale.
 
Soomaali kale oo badan ayaa daadku qaaday oo lamid noqday dadka kiristanka ah  ee dalka kunool meelkastaba haka yimaadaane iyagoo ku dhexlumay kana tagay guryahoodii ay ladegganaayeen  waalidiintooda iyo walaalahooda kale ee soomaliyeed amma muslimiinta ahba waxana aad suuqyada ku arkaysaa dhaliinyaro Soomaliyeed oo kolba dhan usocota waddooyinka  waaweyn qaar kamid  magaalooyinka  dalka kanada waqti uu baraf aad uxumi dhacayo.
 
Soomalida kasokow waxa ku nool dalka amma qoxooti ku ah dadbadan oo ka yimd dalalka itoobiya iyo eratariya oo labaduba u dhaw dalka soomaaliya waxana leeyihiin dadkaasi jaaliyado iyo  ay  ku kulmaan  iskuna waydaarsadaan wixii lasoo dersa, soomaaliduna meelkastoo ay sameeyaanba bil dabadeed way kukal tagaan khilaaf awgii.
 
Dalka kanada  waxa soomaalidu ku leeyihiin idaacad yar oo afsoomaali ku hadasha oo maalintii labo sacadood soogasha iyo telefishan isna fasoomaali ah oo loogu talo galay soomalida si ay uga dhegaystaan afkooda hooyo waxan laga siidaayaa suugaan iyo sheekooyin gaar ah oo carruurta ah iyo barnaamijyo kale  waxayse aad u xiseeyaan arrimaha kadhaca dalka soomaaliya oo ay saacad walba lasocdaan.
 

wariye;
Cilmi Yuusuf Caddawe
Lughayanews-Toronto-Canada