Borama-(Lug)-Madaxa waftigaasi C/raxmaan Ismaaciil Dixood ayaa waxa uu sheegay inay howlo wax ku ool ah ka soo qabteen degmooyinka gobolka Awdal waxa kale oo uu xusay inay soo dhiseen xubnihii heer degmo ee degmooyinka kala ah Baki, Lughaya, Saylac iyo degmada Boorama oo ay maanta dhamaystireen.
Madaxa Waftigan C/raxmaan Ismaaciil Dixood inkastoo ay saxaafadu siyaabo kala duwan u waydiisay hadana ma magac dhabin magacda masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee ay soo dhiseen balse waxa uu sheegay inay dhawaan shaacin doonaan magacaantooda.
Waxa kale oo uu intaasi daba dhigay “howshayadu si wanaagsan ayay noogu dhamaatay, lamina faro galin maamulada degmooyinka iyo gobolku iyo masuuliyiinta axsaabta qarankuba “.
Waxa kale oo uu xusay in degmo walba ay ka ay ka soo xusheen dadkii araajida usoo qortay ee ay hore u hayeen.
Si kastaba ha ahaatee waxa la isla dhexmarayaa suuqyada Boorama in Maamulka Komishanka ee gobolka loo magacaabay
1. C/rashiid Xirsi Cali Gudoomiye
2. Quman C/laahi Alaale G/Xigeen
3. Xasan Ciise Caynaanshe Xoghayn
Marka loo soo noqdo Maamulka komishanka ee degmada Borama ayaa loo magacaabay
1. Xasan Nuur Maxamuud Gudoomiye
2. C/laahi Maxamuud Guuleed(STC) Ku xigeen
3. Khadra Jaamac Muxumed Xoghayn
Degmada Saylac
1. Maxamed Xasan Axmed Gudoomiye
2. Cilmi Cawaale G/Xigeen
3. Maxamed Cige Bahdoon Xoghaye
Degmada Baki
1. Abiib Yuusuf Jaamac Gudoomiye.
2. Faarax Ismaaciil Sidci Xoghaye
Degmada Lughaya
1. Yaasiin Yuusuf Hodoon Gudoomiye.
2. Cabdi C/laahi Cilmi Xoghaye
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ee Ku Sugnaa Borama Ayaa Markii Ugu Horeysay Maanta Saxaafada La Hadlay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback