1.JPGHargeysa-(Lug)-magaalada Hargaisa waxaa xalay lagu qabtay  xaflad lagu daahfurayay Urur Cusub oo la yidhaa Ururka Isku xidhka dhalinyarada Somaliland Ee Debedda Iyo Gudaha ee SAYNA , waxaana xafladdian oo ay ka soo qaybgaleen Hotel Dhiinka Jaamacadda Golis qaybteda ingeneerinka   Prof C/casiis cali maxmed, Guddomiyaha Ururka Gaashaan Marwo Saynab Xaji Maxamed, Mid ka mid ah ragga Qurbajooga ah ee ka yimi Dalka Canada isla markaasna hadda ku sugan Hargaisa Mr.maxamed Maayo, iyo weliba mid ka mid ah dhalinyarada qurbajooga ah oo la yidhaa Maxamed Shiine iyo sidoo kale fannaanka da’dayar ee Maxamed Bulshaawi iyo weliba Al fannaan Cabdi rixiim oo ah fannanka qaada heesta Tahriibta.

1.JPG
 
xafladdan oo ka dhacday Hotel Imperial ayaanay gebi ahaanba ka dhex muuqan kana soo qaybgelin wax siyaasiin ah oo ka socda xukumadda iyo weliba axsaabta ku loolamaysa madaxtinimada dalka.

21.JPG
 
waxa ugu horaynba lagu furay munaasibadda ayaado quraana kadib waxa kelmad kooban ka jeedisay munaasibadda Agaasimaha Guud ee ururka SAYNA marwo Hodo A/rahman Yusuf, waxay sheegtay sarkaladdani in arrintan caawa kaga timi masuuliyintii ay martiqadeen ay tahay Assign ment loo diray guud ahaanba dhalinyarada reer somaliland dal iyo debedba loona muujiyey sida aan loo jeclayn meel dhalinyaro isugu tagto, intaas ka dib waxa khudbada Dhextaal looga dhigayay maansooyin,Gabayo iyo heeso ka hadlaya arrimaha ururka loo aasaasay iyo weliba ku da’yarta, waxana halkaas gabay aad u qiimo badnaa ka so jeedisay Marwo Qadan Ali Hirsi kana mid ah Xubnaha Ururka SAYNA, Gabaygaasi kadib waxa munaasibadda ka hadlay Guddomiyaha Ururka SAYNA Md:Mustafe Osman A/rahman, Wuxu Guddomiyuhu aad uga hadlay kuna dheeraaday ujeedooyinkii Ururka loo aasaasay, iyo weliba waxay higsanayaan.

33.JPG
 
waxa uu yidhi Guddomiyuhu mar u ka hadlayay imansho la’an ku dhacday “aad iyo aad baan uga xumahay imaansho la’aantaasi ay inoo iman waayeen masuuliyin sar sare oo ka tirsan wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha, qorshaynta iyo weliba siyaasin ka tirsan 3da xisbi qaran ee dalka madaxtinimadiisa u loolamaya iyo sidoo kale shirkadaha ganacsi sida Telesom. Nationlink. Telcom oo an ku marti qaadnay xafladda una geynay invitaion kii ama cardkii Codsiga ka soo qaybgelida xafladda, waxay taasi noo caddaynaysaa in aan dhalinyarta Dan laga lahayn lana rabin Horumar ay gaadhaan ama in ay u fekeraan una shaqaystaan sida dhalinyarada caalamka oo kale, waxa uuna yidhi isago arrimahaas ka hadlaya Guddomiyuhu “Dhalinyarada wa la rabaa marka dhib jirto ama qalaalase abuur la wado, sidoo kale dhalinyarta aad baa loo jecel yahay marka tartan jirro oo waa la kala jiidanayaa, lakin marka ay horumar doonayaan waa la niyad jebiyaa, runtiina cidda xukunka inoo haysa iyo cidda danbe ee inaan madtinimo u doorano inaga doonaysaa haddaynu dhalinyaro nahay ma mudna inaynu taagerno ama doorano maadama madashii ugu mihimsanayd ee dhalinyaro yeelato laga waayay cid siyaasi ah oo dhalinyaradii garab taagan, ha ugu horayso wasaarada dhalinyaraduye ooo iyada dhalinyarada oo keliya qaabilsan”.

4.JPG
 
Hadaba khudbaddii Guddomiyaha oo cadho badani ka muuqatay isla markaasna ku nuuxnuuxsady in ballan furku shay xaaran ah uu yahay, cid kastoo ay martiqaad u fidiyeena ay markiihore aqbashay markii danbena u jareen wuxu ku soo gebo gebeeyey hadalkiisa “Dhalinyarooy haddii aan is maqlayno oo dhalinyaro wada nahay, maaha dhalinyaranimdu wax fudud, waxa ina saaran xil weyn oo culus oo ah dhalinyarnimo aynu iska ilaalino in wixii xun la inoo adeegsado oo ay noqono EY, o haddii la is qarxinayo ama meel la qarxinayo yaan la ina odhan isaoo qarxiya ee cidda inagu leh aynu nidhaa adigu is qarxi horta, yaan la ina odhan Mudahaarada oo rabshado kiciya waa dareenkiinoo aad cabiraysaanee, taasna ugu jawaaba cidda idin tidhaa sidaas bal idinku horta mudahaarada oodhagaxana gurta laamigana yaacyaaca, hadiii mar walba la ina yidhaa oo aynu iska qaadano, walaahi waxaan  arkaa in dhalinyarada halaag lala damcsanyahay maadama wixi aanay iyagu (DADKA WAWEYN) samayn karayn imika lagu leyahay samee, hadhow markaad tidhaa meel dad waawayn looga baahanyahay kaalay ama noo imowna aan laguu imanayn” wuxuu si weyn uga digay dhalinyarada kuna cel celiyey in dhalinyartu aanay noqon kuwa wixii la baabiinayo loo adeegsadu isla markaasna aanay noqon Hub cid weliba ridi karto ama adeegsan karto. dhanka kale wuxu Guddomiyuhu mahad balladhan u celiyey Xubno uu sheegay inay ka soo direen dhaqaale Debedda xubnahaas oo kala ah bu yidhi
 
1-Samsam Ismail Xirsi        Norway
2-Intisar Cali Fidhin            USA Miniapolis
3-Siciid Yusuf                     Muzambique

 5.JPG

isagoo sheegay in xubnahaasi ay yihiin xubno markii horeysayba muujiyey sida ay u taageersan yihiin qadiyadda iyo hawlaha ururkan, wuxuu sheegay in Xubnahan aanay aqoon isu lahayn,balse ururkani uu isu keenay iskuna xidhay, wuxu sido kale sheegay in xubnahan 3da ahi yihin kuwo aaminay iyaga oo an iyagoo garanaynin u soo diray lacag kadib markii ay webs ka akhristen bu yidhi ujedoyinka ururka, wuxuuna u ballanqaaday xubnahaas inu shahaado sharafeedyo u diyaarin doono ayna mudan yihiin in mar walba la xuso.wuxuu sheegay Guddoomiyuhu oo kale in xubnaha ururka SAYNA ee kala jooga dunida dacaldeeda dhamanbana reer somaliland ahi ay isugu jiraan Suxufiiyiin,Abwaano,Fannaaniin,Ardayda Jamacadaha,Macalimiinta Dugsiyada sare iyo DHEXE,qaar ka soo shaqeyey Ururo badan iminkana ku jira ama madax ka ah NGO yo, wuxuna ku darsaday hadalkisa in ururku uu u furanyahay cid kasta oo ku soo biri karta ama urur ha kujirto ama yaanay ku jirin, maadama bu yidhi waxa la isku xidhayaa ay yihin dhalinyar, suurtogalna ay tahay in dhalinyarada intooda badani aanay ka madhnayn ururo, taasna ay kelifto in dhalinyarto dhan ay mideeyan iskuna xidhaan iyado u sidoo kale sheegay in xafiiskayada SAYNA ay ka furanyihiin Hargaysa, Burco, Boorama, Berbera, Ceerigaabo, Norway, USA, Muzambique iyo Sweden.

6.JPG
 
waxa isaguna munasibadda ka hadlay Proffesorka JAAMACADDA GOLIS qaybta Enginerinka, wuxu sheegay Professorku in xaflad kale oo abwaan hadrawi lahaa lagu marti qaaday balse uu is barbardhigay xafladdaas iyo tan dhalinyarada oo labadaba lagu marti qaaday wuxu yidhi isago arrintas ka hadlaya “anigu waxan fadhiyey mar dhoweyd xaflad kale oo maansoor hotel uu ku qabanayay abwan hadrawi dad culusina ay joogeen laiguna martiqaaday,waxan is barbardhigay labadan xafladood ee la igu martiqaaday teebaa sii qiimo badan, ma tan odayaasha waawayni isugu imanayaan mise tan dhlinyaradu isugu imanayaan? waxan dabeetana markaan rogrogay gartay in tan dhlinyartu ay iiga fiicantahay tan odayaasha sidii ayaan ku imi xafladdan” ayu yidhi Prfo A/aziz.
 
sido kale wuxu sheegay in dhalinyaradu ay ku dadaalan aqoon is weydaaarsiga iyo wax akhris joogto waayo cilmiguba waa wax akhrin iyo wax qoris iyo dhalinyaro intaas isla kaashata ayu yidhi professorku.
 
waxa iyana madasha hadalo qiiro leh ka jeedisay Guddomiyaha Ururka Gaashaan Marwo SAYNA XAJI MAXAMED, waxayna ka sheekaysay faaidada ay leedahay dhalinyaro isku xidhan oo isku tagta iskana raali ah, waxay kaloo sheegtay inay aad ugu bogtay Ururka SAYNA,maadama bay tidhi uu isku xidhayo ama isku keenayo midaynayona dhalinyarada qurbaha iyo kuwa gudaha ee reer somaliland, waxay ballanqaaday marwo saynab inay garab istaagi doonto dhalinyarada SAYNA ku bahowday ee isku xidhkan ku wada jira, waxay wax laga xumaado ku tilmantay masuuliyinta dhalinyaradani martiq aaday iyo positionskoodii cidleeyey, waxayna sheegtay in taasi tahaty mid muujinaysa in aan dhalinyarada waxba lala rabin, lakin ay ku faraxsantahay sida fikirkan wacan loo keenay, iyado ididiilo wanaagsan ka muujisay haddii ururkani si wacan u dhaqan galo in dhalinyarta waxbadani u hagaagi doonaan, kuna boorisay Ururka SAYNA inu barnaamijyada uu sheegay in loo furay ururka uu si dhab ah u bilaabo.
 
waxa isna ka hadlay mid ka mid ah dhalinyarada qurbajooga oo ka yimi dalka Norway, wuxuuna sheegay in wax lagu farxo uu yahay maadama uu DALKA ka dhismay urur isu keeni kara dhalinyaro reer somaliland ah oo noocwalba leh dalka iyo debeddana kala jooga. isagoo ku dheeraaday hadaladiisa wuxu sheegay in si tosa uu uga mid noqon doono SAYNA kana mid ahaan doono xubnaha Norway u jooga SAYNA, wuxuuna ka sheekeyey dhibta dhalinyarada qurbaha ku haysata, oo ay ugu yartahaybu yidhi in lagu yidhaa wixi ad cuni lahayd karso, illeen nin dhalinyaro ah oo aan xaas lahayn reerkooduna meesha oolin baad tahee, wuxuna tusale u so qatay in marku xafaddooda hargaysa joogay haddii in yar lagala soo habsamo quraacda oo laad ku dhufan jirey, iminkana ay dantii ku khasabtay cuntadii inta si walba looga soo shaqeeyo cunitankeeda uun loo keeni jiray in isagi la yidhaa karso.
 
 
Hadaba waxa khudbadihii iyo hadaladii soo xidhay Yusuf Cabdi Cali oo ah masuulka xafiiska SAYNA ee Borama , wuxuu Yusuf sheegay in dhalinyarada aan laga maarmin wuxuna yidhi “Dhalinyaradu waa xooga Bulshada, waana xubinta keliya ee ay ka dhaqaaqdo Bulshadu ,Dhalinyarada had iyo jeer lagama maarmo marka ay fawdo dhacayso,marka wanaag dhacayona lagama dayn waayo in laga muquurto” ayu Yidhi Mr.Yusuf. wuxuu munasibadda uga mahadnaqay Marwo saynab Xaji Maxamed oo uu sheegay in wakhtigeedii ugu badnayd ay siisay Ururka SAYNA isla markasna garab taagantahay ururka SAYNA mar waliba.
 
Ugu danbayntii waxa lagu soogebogebeeyey Xafladda laguna soo bandhigay heeso khuseeya dhalinyarta, waxana halkaas ka qaadayay fannaaninta da’da yar ee Maxamed C/laahi Diriye BULSHAWI iyo C/rixiin axmed carab C/rixin yare, waxayna heesihii halkaas ay ka qaadeen ay ahaayeen kuwo aad u ruxay dadki madasha joogay isla markaasna kaga qiiraysiyey.
 
ugudanbaytii waxaaklahadlay yuusuaf cabdi cali “indhoqurur” kan socday gobolka awdal walaacna kmuujiyay masiiliyiintii lagau soo martiqaaday intooda badan ainay kamuquurtaan. 

Ururkan ayaa sida la sheegay noqon doona mid baahi weyn oo dhalinyaradu qabtay isku xidh noocan oo kale ah daboola. isla markaasna ka midho dhalin doona aayaha dhalinyarada Dalka.
 
 
 
Wariye:-
Yuusuf Cabdi Cali “Indhoqururx”
Lughayanews-Hargeysa