Hargeysa-(Lug)-Shirgudoonka Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta Golaha horkeenay lixdii Guddi hoosaad ee Aqalkaasi ee ay soo magacaabeen dhawaan markii Goluhu sidaasi ku heshiiyay.

Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida oo uu Guddoominayay Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan waxa madasha ka soo xaadiray 56 Mudane waxaana Golaha loo akhriyay Magacyada Mudaneyaasha ku jira lixda Guddi hoosaad, ka dibna waxay Goluhu ansixiyeen Guddida cusub ee Joogtada oo ah Guddida ugu xasaasisan waxaana ogolaaday 49 Mudane, waxa diiday 5 Mudane, 1 Xildhibaan ayaa ka aamusay Guddoomiyuhuna muu codayn.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay fadhigaa sheegay in Goluhu soo afjaray khilaafkii dhexdooda yaalay, waxaanu xusay in shirgudoonku ay u dhan yihiin magacaabista Guddi hoosaadyadan cusub.

 

Guddidan joogtada ah waxa ku wada jira Xildhibaano aad ugu kala duwan fikirka, magacyadooduna waxay kala yihiin sidan

1-     Xaaji C/Raxmaan Cismaan Jaamac

2-     Axmed-nuur Aw Cali Aadan

3-     Yuusuf Cabdilaahi Cawaale

4-     X. Cabdi Xuseen Yuusuf

5-     Farxaan Ciise Ubaxle

6-     Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad)

7-     Muxumed Aw- Axmed X. Aadan

8-     Suldaan Ismaaciil Suldaan C/Raxmaan

9-     Axmed Jaamac Faarax

10- Khadar Xuseen Sahal

11- Caydiid Cabdi Maxamed

12- Maxamed Ducaale Qurux

13- Maxamed Jaamac Abokor

14- Maxamuud Xareed Rooble

15- Yuusuf Sh. Axmed Nuur

16- Diini Cabdilaahi Hande

17- Maxamed Nuur Sugaal

18- C/Casiis Maxamed Gaaxnuug

19- Khadar Ismaaciil Cabdi

20- Maxamed Hirad Shirtag

21- C/Salaan Maxamed Siciid

22- Axmed Xasan Saalax

23- Cismaan Cali Cabdi

24- Xasan Cumar Axmed

25- Xirsi Ciise Jaamac

Guddi hoosaadyada Golaha ayaa dhexdooda iska dooranaya Guddoomiye  iyo Xoghaye waxaana maanta Goluhu galay fasax dhan lix todobaad.

 

Ramaas