Berbera-(Lug)-Magaalada Berbera waa magaalo madaxda Gobolka saxil, waa ubucda dhaqaale ee jamhuuriyadda Somaliland, waa magaalo la tartami karta magaalooyin xeebeedyada la midka ah ee africa iyo caalamkaba.
Magaalada Berbera oo aan safar shaqo ku joogo galabta ayaa markii aan soo galay waxan dareemay jawi ka gedisan jawigeediii caadiga ahaa eee aan ku aqaanay,waxaan in cabbaar ah magaalada ku dhex maray gaadhi khaas ahaa oo aan watay.
Hadaba sidee ayay ahayd Berberi Hadda ka hor iminka se waa sidee?
Berberi waxay ahayd Magaalo ay Dadkeedu ka carareen intooda u badanina ay daaro dhaadheer iyo goobo Ganacsi oo bal ballddhan ka samaysteen gobolada kale ee somaliland haba ugu badnaato Hargaysiye.
Hadaba waxa iminka magaalada Berbera aad moodaa in sidii hore ay ka dhaqdhaqaaq badatay si weyna u socdaan hawlaha shaqo ee dekedda somaliland iyo hawlaha shaqo ee ganacsatada intuba, waxaana gebi ahaanba magaalada Berbera ku soo noqday dadkii hore uga yaacay kulaylka camal la’aanta iyo dad yarida.
Magalada Berbera markaad gasho gudaheeda waxaad arkaysa laamiyo waawayn oo aad u qurux badan oo si habaysan loo dhisay, kana qurux iyo tayo badan laamiyada caasimada somaliland, waa magaalo marka aad dhexmarayso aad Is moodayso inaad waddooyinkii waaweynaa ee caalmka marayso, isla markaasna aad u mari karto 100 iyo 120 intaba.
Hadaba intii aan indho indhoynta ku jiray oo muddo kooban oo saacado ah ahayd, waxay indhahaygu qabanayeen Guryo badan oo dhisme ku socdo meelo sees laga kiciyey iyo goobo badan oo fooqaq laga kicinayo, waxaa hubaal ah in sannadkan 2010 haddii ganacsiga iyo hawlaha berbera ka socdaa ay sii socdaan ay noqon doonto mid bilic iyo quruxba dheeraata Gobolada kale ee somaliland, iyadoo magaalada markii xoolaha dawladda sucuudigu ay xidhatay dadka ku dhaqan isu arkeen dad aan risiq kale lahayn isagana yaaceen, qaar tahriiba iyo qaar gobolada kale ee dalka ka shaqaysta intaba, balse waxay mar qudha is bedeshay markii dawladda sucuudigu ay xoolihii u soo furtay Somaliland, halkaasna ay ka dhalatay Ganacsigii xoolaha nool ee la geyn jirey dalka sucuudiga oo dib u bilaabma iyo dhammanba Dadki oo dib u soo noqda.
In daaro dhaadheer iyo Guryo laga dhisto berbera markii hore shacabka ku dhaqan halkaasi haddii tujaar ay tahay iyo haddii cid kale ay tahayba may aaminsanayn, balse guusha u weyn ee Berberi ay gaadhay maanta ayaa ah in daaro dhaadheer iyo fooqyo laga kiciyo magaalada Berebera.
Dekedda magaalada Berbera yaa saacad kasta mashquul ah haba ugu sii darnaato gelinka horeee, waxana is daba maraya oo is weydaaranaya maraakiib tiro badan qaar xoolo sida iyo qaar raashin iyo bagaashyo kale oo ganacsi sida, iyagoo u kala qaybsan qaar Dekedda Berbera ka sii shiraacanaya, iyo qaar soo gelaya kuna soo xidhanaya Dekedda Berbera.
Dadka Fursadaha shaqo ay u soo baxeen ee shaqooyinka ka helay dekedda ayaa ku laba jibbaarmaya intii hore uga shaqaynaysay dekedda haddii ay tahay xammaaliinta iyo haddii ay tahay dadka kaleba.
Magaalada Berbera ayaa waxa keliya ee lagu saluugi karaa ay tahay yaraan in aanay ballaadhnayn sida magaalooyinka Burco iyo hargaysa, Balse haddii sannadkan oo keliya sidaas ay sii ahaato ay ballaadhan doontaa, iyadoo la arki doono sannadka soo socda insha alla Berbera oo Basas u kala Gooshayaan, kana camiran dhinac walba Gobolada waweyn ee Dalka, maadama Berberi ay leedahay wax aanay Gobolada kale lahayn oo ah Ubucda dhaqaalaha ee dalka (Dekedda), Hadaba waa goorma markaasi ayaa la isweydiin karaa sideebayse ku noqonaysaa aya iyana ah su’aal kale oo la is weydiin karo??
Waa marka dhammaan dadka ka shaqeeya magaaalada Berbera oo ad u tiro badani ay xaasaaskooda iyo reerahooda oo keliya u soo raraan magaalada, maadama ay isu bedeshay goob loo soo cararo oo loo soo shaqo tago isago qof weliba ku xisaabtamaya shaqada iyo dhaqaalaha yar ee dhaafaya ama seegaya wakhtiyada yaryar ee u soo bookhanayo reerkiisa iyo qoyskooda oogobolada kale yaalla sida Hargaysa iyo Burco iyo sheekh.
Ugu danbayntii akhriste haddii aad magaalada Berbera ka aaminsanayd waa magaalo yar oo dadkii ka qaxeen kulayl iyo camal la’aan awaadeed, bal eeg sawirkan waa mid ka mid ah fooqaqa ku yaal magaalada Berbera ee ay leeyihin Tujaarta iyo ganacsatada Dalka qaar ka mid ahi, hana layaabin!!! Waxa ka socda oo kale dhismayaal Bangalooyin ah iyo fooqaq kan ka dhaadheer.
wariye:-
Mustafe Osman A/rahman
Berbera SAHIL / Somaliland



Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Waa Sidee Xaalada Guud Ee Mag.Berbera? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback