Borama-(Lug)-Somaliland ayaa tan iyo toddobaadkan bilowgiisii lagaga sheekaynayey dhacdo la yaab lahayd oo ka yaabisay taliskii milatariga ahaa ee xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre, wakhtigaasoo gobolkii la odhan jiray woqooyiga galbeed ee Soomaaliya ay u bilaabatay taariikh ku cusbayd guud ahaanba shacbigii, dhallinyaradii iyo xukuumaddii waagaasi ka jiray geeska Afrika.
28 sano ka hor oo Somaliland markii ugu horreysay laga xusay maalintaasi oo kale kuna beegnayd 20 February 1982kii ayaa xaflado lagu xusayey oo ka dhacay dunida daafaheeda iyo gudaha Somaliland gaar ahaanna caasimadda Hargeysa ayaa masuulyiinta dawladda Somaliland iyo xisbiyada mucaaradkuba dhallinyarada iyo dadkii aan waagaa joogin dhagaxtuurkii Hargeysa uga sheekaynayey wixii maalintaasi dhacay oo da’yarta Somaliland maanta sheeko uun ku ah .
Inkastoo dhacdadani ahayd mid ku koobnayd beel ka mid ah beelaha Somaliland balse way noqotay dhacdo faa’iido usoo jiidday guud ahaanba dadweynaha nabadgelyada iyo midnimada ugu wada nool dalka maanta loo yaqaan Somaliland, 1991kiina dib ula soo noqday madaxbannaidii iyo gobannimadii meesha madow kaga dhacday .
Maalintan oo kale 1982dii ayaa taliskii Maxamed Siyaad kana mid ahaa talisyada ugu awoodda weynaa geeska Afrika isku dayey inuu khudbad u jeediyey kumaankum isugu jirtay arday, macallimiin iyo dadweyne loogu soo ururiyey xero Hargeysa ku taalla si ay usoo dhaweeyaan madaxweynihii waagaasi, isla markaana isagoo filayey in sacab lagu soo dhaweeyo hadaladii ugu horreeyey ee usoo jeediyey dadweynahii ciilka buuxsamay lagu oriyey, shiidna hadhka lagaga dhigay, kaddibna ay xabadda iyo dhagax isweydaarsadeen ciidamadii xoogga badnaa ee uu watay iyo dadkii u badnaa dhallinyaradii wakhtigaa , taasina ay sababtay in wafdigii iyo madaxweynihiiba cagaha wax ka dayaan.
Su’aasha meesha taal ayaa waxay tahay maxaa keenay in Somaliland mar kale taarrikhdan dib looga soo cusboonaysiiyo, mase tahay wakhti ku habboon in da’yarta maanta looga sheekeeyo wixii maalintaa dhacay iyo wixii ka dambeeyey?.
Inkastoo munaasabaddan ay soo qabanqaabiyeen daladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO iyo ururro kaleba ayaa dhinaca kale aad moddaa in dawladda Somaliland loo qariyey ujeedada munaasabaddan ama aqoon la’aani ka haysay, sababatoo ah waxay ahayd munaasabado shacbiga iyo dadweynaha , siyaasiyiinta iyo cid kastoo waagaa joogtayba soo xusuusisay sidii reer Hargeysa uga dhiidhiyeen xumaantii, xadhigii sharcidarada aha, boobkii hantida umadda, cagajuglayntii iyo tacaddiyadii loo geysan jiray xuquuda muwaadiniinta waagaasi hoos imanaysay xukunkii Afweyne, falalkaasoo la mid ahaa ama wax yar kaga duwanaa kuwa maanta laga dhex arkayo xukuumadda maaanta talada dalka haysa.
Xamaasaddii lagu soo dhaweeyey munaasabadihii loo qabtay dhagaxtuurkaasi ayaa sidoo kale kusoo beegmaya wakhti duruufihii waagaa ka jiray isbitaalka Hargeysa sii muuqdaan maalin dhaweydna wasiirka caafimaadku ka eryey ku dhawaad 11 dhakhtar oo waxka qaban jiray caaimaad dadweynaha.
Waxa kale oo soo muuqda urur la mid ah ururkii UFO ee isku xilqaamay nadiifinta isbitaalka Hargeysa ee laftooda lagu xidhxidhay samafalkaasi, Sidoo kale ayaa munaasabaddani kusoo beegantay wakhti ay shacbiga Somaliland usii muuqdaan saraakiishii xukuumaddii Afweyne oo beel kasta oo Somaliland ahba leh, nabadsugidii, C.I.Ddii, koofiyad castii iyo muuqaaladii lagu yaqaannay xukunkii Afweyne ee dhinaca xuquuqal insaanka.
Sansaamihii waagaasi dhaliyey ama ka dambeeyey dhagaxtuurkaasi ayaa laga arki karaa dayaca adeegyada dadweynahya, musuqa, cagajuglaynta iyo xadhigga bilaa xukunka ah ee muwaadiniinta caddaalad darada , idaacada Mucaaradka, xusaska loo dhigayo dadkii ku dhintay ama la laayey wakhtigii halganka, xasiloonidarada Ceelberdaale iyo kala shakiga beelaha Somaliland ee soo cusboonaaday.
Inkastoo 20kii February ay sabab u ahayd aasaaskii SNM iyo halgankii lagu xoreeyey Somaliland isla markaana aan Somaliland laga filayn aasaaska SNM kale ayaa xuska maalintani sii hurisay dareennno ka dhan xukuumadda Somaliland ee maanta dalka xukunta iyadoo maalintani hoos u dhigtay dagaalka siyaasadeed ee ay kula jirto xisbiyada mucaaradka iyo dagaalka siyaasadeed ee ay maanta kula jirto iyo taageerada shacbiga, waxayna kor u qaadday niyadda dadka weli kasii nool halgankii lala galay taliskii Afweyne, madaxdooodii oo maanta hoggaamiye mucaaradka Somaliland iyo guud ahaanba cid kastoo doonaysa in taliska maanta si nabadgelyo iyo doorashooyin ku dhisan meesha looga saaro.
Marka guud ahaan la eego xafladihii munaasabadadan dhagaxtuurka lagu qabtay Somaliland ayaad mooddaa in hadaladii lagaga sheekaynayey taabteen maamulka maanta jira, loogana baahan yahay in ku waayo aragnimo qaataan sida dadkii joogay xafladahaasi madaxa ugu ruxayeen sheekooyinka iyo taariikhda maalintaasi u lahayd beel ka mid ah beelaha Somaliland loona arko inay taarrikhda maalintani ku reebtay Somaliland ay digniin ugu filantahay xukuumadda maanta dalka haysata, isla markaana looga baahan yahay in ku camal fasho cadhada gaamurtay ee ay badday hoggaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka, taageerayaashooda iyo cid kastoo maanta ku fikiraysa in dalkani u baahan yahay isbeddel siyaasadeed oo ka badbaadiya in Somaliland lugta la gasho wax maanta ka socda guud ahaanba dalkii la odhan jiray Soomaaliya.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maxaa Keenay In Wakhtigan S/land Laga Xuso Dhagaxtuurkii Hargeysa 28sano Kadib? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback