Boorama-(Lug)-Kooxo ka tirsan ciyaaraha kala duwan iyo tabarayaasha qaybaha ciyaaraha ee g/Awdal ayaa ayaa masuulyiinta ciyaaraha G/Awdal ka dalbaday in xilka laga qaado isuduwaha Ciyaaraha gobolka kaddib markii sida ay sheegeen uu wax horumar ah gaadhsiin waayey maamulka ciyaaraha iyo ciyaartoyda gobolka Awdal.
Qoraal ay ku saxeexan yihiin ku dhawaad ku dhawaad soddomeeyo ka mid ah ciyaartoyda G/Awdal iyo tababarayaashooda ayaa waxay ku sheegeen oo kale in masuulka ciyaaraha gobolka oo xilka wasaaradda ciyaaraha iyo dhallinyaradaba hayey ku dhawaad dhawr iyo toban sannadood aanu waxba ka qaban sidii ciyaartoyda gobolka Awdal u heli lahaayeen garoommo, xafiisyo, agabka ciyaaraha iyo maamul wanaagsan isla markaana aanu ilaa maanta kala garanayn cidda ku wannaagsan ciyaaraha ee gobolka iyo cidda aan lahayn xirfad ciyaartoy oo dalka iyo dadka reer Somalilandba magac usoo jiidi.
Iyadoo imikana uu gobolka ka abuuray khilaaf soo kala dhex galay ciyaartoyda gobolka kaddib markii uu si ka baxsan caddaladda iyo sharciga uu xilkii uga qaaday tababaraha ciyaaraha ee xilka gobolka, iyadoo uu masuulka ciyaaruhu cid kastoo ka hor timaadda dibudhacaasi uu soo dhexgeliyo arrimo siyaasadeed , kuna tilmaamo mucaaradnimo.
Haddaba Annagoo ka mid ah dhallinyarada iyo ciyaartoyda sida tabaruca ah naf iyo maalba ugu huraynay horumarinta ciyaaraha gobolka Awdal, waxaan xukuumadda sare, golayaasha qaranka iyo masuulyiinta wasaaradda ciyaaraha ka codsanaynaa inay tallaabo ka qaadaan masuulka ciyaaraha gobolka Awdal.
Xubnaha ku saxeexan qoraalka :
1. Maxamad Yasiin Ismaciil (Nirig)
2..C/Kariin Nuur C/Wale
3 . Mahdi Cabdi Idiris (Suulee)
4. Xasan Siciid Guuleed
5. Xasan Sh’ali Cilmi
6 . Abwaan Maxamed Osman Budin
7. C/Raxmaan Yuusuf Xuseen( Diiko )
8. C/Qaadir Nuur Daahir
9. C/Kariim Xuseen Caateeye
10.. C/Qaadir Nuur Daahir (Girme)
11. C/Qaadir Wadaadyare
12. Xasan Maxamed Colhaye (Afgeed)
13. Cabdi Idiris Axmed
14. Jaamac Daahir Xaamud Iyo Labaataneeyo Kale.


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Kooxo Ka Tirsan Ciyaartoyda/Tababarayasha Ciyaaraha Kala Duwan Ee G/Awdal Oo Xukuumadda Ka Dalbaday In Xilka Laga Qaado Isuduwaha Ciyaaraha Gobolka "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback