Boorama-(Lug)-Nin ka tirsan ciidanka qaranka ee ka hawlgala gegida dayuuradaha Boorama ayaa saaka cabbarre 10.30 rasaas ku furay gaadhi ay saarraayeen shaqaale iyo masuulyiinta urur maxalli ah oo samafal ah iyadoo u tacshiiraddaasi ku dhaawacmay hal qof oo ka mid ah shaqaalihii saarraa.
Sida uu ii xaqiijiyey masuul ka tirsan ururka maxalliga ah ee Ayoda oo iska lahaa gaadhiga rasaasta lagu furay waxa rasaastan dhaawac fududi kasoo gaadhay mid ka mid ah shaqaalaha Ururka oo saarraa gaadhiga la rasaaseeyey isagoo ninkaasi loola cararay isbitaalka guud ee Boorama.
Sida lagasoo xigtay dad goobjoog ahaa oo ku dhawaa garoonka dayuuradaha Boorama ayaa la sheegay in gaadhigaasi marayey meel u dhaw gegidaasi isagoo wakhtigaa ku sii socday meesha la yidhaa shabeeley, si ay gaadhsiiyaan buugaag iyo agab kale oo ururkaasi deeq ahaan ugu geynayey degaankaasi balse askari ka tirsan ciidankaasi kusoo cararay gaadhigaasi kuna horjoogsaday qori caaradii kaddib markii uu gaadhigaasi joosadayna uu rasaasta ku furay iyadoo rasaastaasi midi kaga dhacday mishiinka, halka xabbad kalena dhaawac fudud soo gaadhsiisay mid ka mid ah shaqaalaha.
Ilaa imika ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxay dhimnaca ciidamada amniga balse sida la sheegeyo askarigaasi ayaa haatan loo xidhay falkaasi iyadoo ciidamada amniga iyo maamulka gobolkuna baadhayaan waxa keenay toogashadan .
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Nin Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Ee Gegida Dayuuradaha Boorama Oo Rasaas Huwiyey Gaadhi Ay Saarrayeen Shaqaale Urur Maxalli Ah Oo Samafal Ah, Qaarna Dhaawacay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback