Borama-(Lug)-Xubno isugu jira madaxdhaqameedyo, salaadiin, saraakiil dawladeed iyo dadweyne kale ayaa weli kusii qulqulaya magaalada Saylac si ay halkaasi ugusoo dhaweeyaan caleemo saarka ugaaska Beesha Ciisaha kana mid ah marxalad cusub oo kusoo korodhay Somaliland.
Xubnana ugu dambeeyey ee saaka ka ambabaxay Boorama una kicitimay magaalada Saylac ayaa waxa ka mid ah Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo hoggaaminaya wafdi ka kooban madaxdhaqameedyo iyo cuqaal kaleba Suldaanka oo qaddar daqiiqado ah ka hor intii aanu u kicitimin xeebaha galbeedka la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inay Saylac u tegeyaan martiqaad ay ka heleen beesha Ciise si ay uga qayabgalaan xafladda caleemo saarka ugaaska Ciise .
Suldaanka oo armahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “ maanta waxaan u baxaynaa magaalada Saylac oo kaga qaybgeleynno caleemo saarka ugaaska Ciisaha, annagoo ku tegeyna martiqaad aan ka hellay hooggaamiye dhaqameedyada beesha Ciise. Waa xaflad dhaqan oo aan ahayn mid siyaasadeed, waxaan ugaaska Ciisaha Saylac ugu soo dhaweyn doonaa sidii aan ugu soo dhaweynay Suldaanka Qawmiyadda Canfarta oo Saylac keennay, taasina waxay keenaysaa inay iskusoo dhawaadaan madaxdhaqameedyada Somaliland, Jabuuti, Itoobiya iyo kuwa kaleba, waana fursad inoo fiican oo looga baahan yahay inaan la gelin shaki iyo waxyaalo wax u dhimi kara deris wanaagga ,”.
Dadka kale ee saaka dhulkaasi u kicitimay ayaa waxa ka mid ahaa wakiilka idaacadda Bbb-da ee Hargeysa, iskuduwayaasha ku dhawaad shan wasaaradooid oo hoos yimaadda maamulka G/Awdal iyo tiro ka mid ah dadweynaha Boorama oo laga casuumay shirkaasi, hase yeeshee waxa aad u yaraa siyaasiyiinta xisbiyada qaranka ee halkaasi kaga qaybgeleysa caleemo saarka ugaaska Ciisaha.
Si kastaba ha ahaatee caleemo saarka ugaaska Ciisaha ee loosoo xawilay magaalada Saylac iyo Somaliland ayaa dadweynaha magaalada ku nooli dareenno kala duwan ka muujiyeen iyagoo qaarkood u arka in caleemo saarka ugaaska ciisaha ee magaalada Saylac ay dhabarjab ku tahay qarnnimada Somaliland iyo xukuumadda maanta halka kuwa kalena ka hadleen sida caleemo saarka Ugaaska beeha Ciise ee magaalada Saylac ay soo afjarayso sheegashada beelaha samarroon ee degaanka Saylac, gacantana loo geliyey cadow reer Awdal waayo hore lahaan jireen , halka kuwa kalena ay dareenkooda ku sheegeen inaan caleemo saarka ugaaska ciise wax caynkaas ah ka beddeli kari karayn deggenaanshaha dhulkaasi. hase yeeshee socdaalka ergooyinka lagu casumay caleemo saarka Ugaaska Ciisaha ayaa la sheegeyaa in durba qaar ka mid ah dhex fadhiisteen kaddib markii ay mari waayeen biyaha kasoo rogmaday buuraha kunasoo faafay jidka isku xidha Saylac iyo Somaliland ,halka kuwa kalena gaadiidkii ay wateenni dhexda kaga xumaaday ama cilado farsamo ku yimaaddeen iyadoo la ogyahay dhibaatada ergooyinkaasi ka mudanayaan burburka jidka isku xidha xeebaha galbeedka iyo jabuuti.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Wufuud Kusii Qulqulaysa Mag. Saylac Iyo Xaaladda Dhabta Ah Ee Ka Jira Magaladaasi "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback