Borama-(Lug)-Wariye Maxamed Cumar (Hyena) kana mid ah wariyeyaasha ka howlgala Shabakada Wararka ee Lughayanews ayaa saaka Abaaro 11:00am Subaxnimo lagu xidhay Saldhiga dhexe ee magaalada Borama isagoo laga soo daayay Gelinkii dambe ee maanta.

Xadhigan Wariyaha ayaa lagu sababaynayaa Maqaal ku soo baxay Shabakada wararka ee Lughayanews 03 bishan aynu ku jirno ee March oo cinweaankiisu ahaa “Xaflada Saylac Loogu Sameeyey Ugaaska Ciise Ma Tahay Maalin Ku Madow Qaranimada S/land Iyo Gobolka Awdal” taasoo uu wariyuhu kaga hadlay waxyaabihii ka dhacay Magaalada Saylac maalintii Caleemo saarka Ugaaska Beesha Ciise.

Xadhigan Wariye Maxamed Cumar ayaa la sheegayaa inay ka dambeeyeen Labo Masuul oo xilal ka haya Xukuumada S/land labadaasi masuul oo kala ah Taliyaha qaybta G/Awdal C/laahi Sh.Ibraahin iyo Taliyaha C.I.D G/Awdal Daahir Bulaale.

Lughayanews