Laascaanood-(Lug)-Weftigii Golaha Wasiirada ee socdaalka ku joogga gobolka Sool ayaa shalay shir xog-waraysi ah magaalada Laascaanood ee gobolka Sool kula yeeshay Isu-duweyaasha Gobolkaa. Kulankaa oo lagu qiimaynayey wixii todobaadyadan u dambeeyay u soo kordhay wax qabadka hay’adaha dawlada, inkastoo aanay inta badan wax ka fulay aanay jirin.
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Md. Saleebaan Warsame Guulleed ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay ka go’an tahay siddii wax badan loogu qaban lahaa Gobolka Sool, waxaanu xusay in Gobolka Sool la doonayo in la soo gaadhsiiyo gobolada kale ee dalka.
Wasiirku wuxuu ka hadlay xaalada nabadgelyada gobolka Sool, waxaanu yidhi “Waad og-tihiin waa tii xaalada nabadgelyo ee gobolka beryo dhawayd dhibaato ka taagnayd Al-xamdulilaah, imika meel wanaagsan ayay maraysaa laakiin ma odhanayno sidaa ayay nabadgelyo xumaddii ku dhammaatay, dedaalkeena waynu sii kordhinaynaa haddii aynaan Booliska la shaqayn wax horumar ah laga gaadhi maayo.”
Md. Saleebaan Warsame Guulleed waxa uu Isu-duweyaasha kula dardaarmay inay isku xidhnaadaan oo ay iyaga dhexdoodu wada shaqayn toos ah yeeshaan, waxaanu yidhi “Waa inaad iskaashi yeelataan oo haddii aydaan todobaadkiiba hal maalin shirin waxba ma soconayaan.”
Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Cali Maxamuud Axmed oo shirkaa ka hadlay ayaa tallooyin iyo waayo aragnimadiisii muddadii uu Gobolka Sool madaxda ka ahaa wixii uu macluumaad ka korodhsaday u gudbiyay isu-duweyaasha dawlada ee gobolka.
Wasiirku wuxuu Isimada Gobolka Sool ee shirarka ku qabtay Buuro Wadar, uu ugu baaqay inay joojiyaan colaada ay dadkooda iyo deegaankooda ka hurinayaan oo ay shacbigooda wax u qabtaan.
“Waxa kale oo aan iyagana baaq kan la mid ah u dirayaa Jaaliyada Gobolka Sool waxaanan leeyahay dadkiina wax u qabta oo soo dhisa gobolka, inta aad hubaynaysaan,”ayuu yidhi Md. Cali Sandulle.
Weftiga Wasiiradu waxa kale oo ay kormeer ku soo mareen goobta uu ka socdo dhismaha qeybta booliska Gobolka Sool, oo gabo-gabo ku dhow, waxaanay halkaa warbixin kaga qaateen Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Sool Maxamed Cabdilaahi Gooni..
Haatuf


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xukuumada Rayaale Oo Sheegtay Inay Awooda Saarayso Siddii Gobolka Sool Loo Soo Gaadhsiin Lahaa Gobolada Kale "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback