meelaha-wax-lagu-kariyo.JPGBoorama-(Lug)-Maamulka dawladda Hoose ee Boorama ayaa markii ugu horreysay Boorama ka sameeyey hawlgallo kor loogu qaadayo ilaalinta caafimaadka guud ee dadweynaha isla markaana lagu bannaynayey jidad ay xidheen meherado laga samaystay.

meelaha-wax-lagu-kariyo.JPG

Hawlgalkan oo uu horsocday Xoghaya fulinta ee dawladda Hoose ee Boorama isla markaana ay la socdeen raxan ka tirsan ciidamada amniga qaar ka mid ah xafiisyada qaabilsan nadaafadda Guud, farsamayaqaanno iyo hawlwadeeno kaleba ayaa lagu eegeyey sida ay tahay nadaafadda Guud ee goobaha lagu kariyo cuntooyinka, makhaayadaha, suuliyada iyo goobaha lagu maydho,iyo jidadka ay xidheen meheradaha laga samaystay.

gawaadhi-xidhay-wadada.JPG

Hawshan oo socotay maanta gelinkii hore ayaa lagu ganaaxay dadka iska leh meheradaha loo tiriyey inay caafimaad darro ku keeni karaan bulshada wakhtigan roobabku maasheeyeen magaalada Boorama dhexdeeda ,isla markaana dadka iska leh meheradahaasi ay daadka roobka ku qariyeen bulaacado iyo qashin kaleba taasoo keentay in qaybo ka mid ah magaalada dhexdeeda loo mari kari waayo urta kasoo baxaysa waxyaalaha lagu daadiyey ama lagu shubay meheradaha hortooda.

Hawshan ayaa sidoo kale ganaax kala duwan lagaga qaaday mulkiilayaasha meheradaha loo tiriyey inay khatar ku yihiin caafimaadka dadweynaha . Xoghayaha dawladda Hoose ee Boorama C/risaaq Cali Cusmaan oo aan wax kaweydiiyey in hawshan ay maanta uun ku ambabareen dibna aanay ugu soo noqon doonin ayaa sheegay inay hawsdhan wadi doonaan ilaa inta laga gaadhayo ujeedadii laga lahaa oo ah in meharadaha cuntada iyo badeecadaha kaleba iibiya ka waantoobaan qashinka iyo bulaacadaha ay ku daadinayaan suuqyada iyo meelaha dadku ku badan yahay isla markaana ay hawshooda maantu ahayd uun mid ganaax balse dadka iska leh meheradahaasi lagu wargeliyey in haddii ay ka waantoobi waayaan nadaafad xumada aanay noqon doonin ganaax balse laga xidhi doono meheradaha ama iyaga xabsiga loo taxaabi doono.

Hawshan saaka ayaa sidoo kale ciidamada la socday xoghayuhu ku dumiyeen dhismayaal jiingado ah oo xidhay waddooyinka magaalada qaarkood ama foolxumo u keenaya bilicda magaalada.

Waa markii ugu horreysay ee maamulka dawladda Hoose ee Boorama ka qabato hawshan oo kale iyagoo waayadan dambeba maamulka dawladda Hoose lagu dhaliili jiray inaysan dan ka lahayn caafimaadka dadweynaha iyo bilicda magaalada balse shaqadoodu ahayd uun cashuuro ay ka urursadaan dadweynaha.


Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama