Hayada FAO Waxa Aan Ku Wargalinaynaa In aan Hayada DRC Kala Laabanay Kalsoonidii Wada-shaqaynta…..Duqa Deg. Baki
Boorama-(Lug)-Duqa degmada Baki Bare Jaamac Yuusuf ayaa hayada DRC ee ka hawl gasha degaankaasi ku dhaliilay qaabka ay u wadato hawsheeda kadib markii ay masuuliyiinta hayada DRC ku gacan saydheen inay soo qiimeeyaan khasaarayaasha ka dhashay Roobabka ka da’ay Baki dhawaan. Duqa ayaa waxa uu hadalkan siiyay saxaafada mar uu ku sugnaa degaanada ay waxyeeladu ka soo gaadhay fatahaadihii ka dhashay roobabka.
Maayarku isaga oo ka hadlaya arintan waxa uu yidhi ” hayada DRC waxa ay ka gaabisay waajibaadkeedii, waxa ay ku gacan saydhay inay ka soo jawaabto dalabkayagii ahaa in dadka loo gurmado, waxana an tani ku tilmaayayaa masuuliyad daro, waxa ay tahay hayada DRC mid ku can baxday wax qabad, la’aan, waxa ay marwalba u muuqdaan inay dalxiis yihiin.
Mar uu maayarku ka waramayay waxyaabaha dhaliilaha ah ee uu sheegayo ee uu u hayo hawlaha ay hayada DRC qabato ayaa waxa uu yidhi “waxa wali daadsan qasabado loogu soo dhiibay hayada DRC beerolayda waxana ay haystaan mudo 8 bilood ah qasaabkaas waanan kari waynay inay qaybiyaan.
Waxa uuka codsaday Duqu Hayada FAO oo maalgalisa hayada DRC in ay kala laabato kalsoonida hayadan isla markaana hayada COOPI ugu wareejiso waxwalba oo wax qabad ah oo laga qabanayo degmeda Baki, waxa kale oo uu duqu baaqan oo kale gaarsiiyay dhamaan laamaha xukuumada ee ay khusayso oo uu yidhi waxa aan ku wargalinaynaa sida xilkasnimo darada ah ee ay hayada DRC uga hawl gashay degmada Baki
Wariye:-
Cabdale Cali Yusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maayarka Baki Oo Hayada DRC Ku Tilmaamay Mid Ka Soobixi Wayday Waajibaadkeedii Shaqo "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback