Magaalocad-(Lug)-Roobabkii u dambeeyay ee ka da’ay de Magaalo-cad ayaa khasaare aad u badan gaysaty. Roobabkan oo da’ayay mudo dhawr maalmood ah ayaa waxa ay wateen dabaylo aad u badan waxana ka dhakhay daadad fatahaado dhaliyay.
Magaalo-cad oo ah goobaha ugu daran waxa ay fatahaado ka dhasheen in kabadan 50 balay oo dagaanadaas ah, waxana ay biyuhu noqdeen kuwo dhex galay magaalda iyo degaanada kale eek u xidhiidhsan. Waxa ku dhintay degaanadan xoolo aad u badan ooka kooban Geel iyo Adhi. Sidoo kale waxa ay roobabkani dumiyeen xaruntii dawlada hoose ee Magaalocad, waxa kale oo ay daadadkani galeen xabsigii degaankaasi taasi oo sababtay in ooda laga qaado maxaabiis ku xidhnayd halkaasi.
Duqa degmada Magaalo-cad Ibraahim Aw muxumed Cilmi oo xaalada ka hadlay ayaa ku micneeyay mid aad u daran, waxa kale oo uu sheegayu duqu in khasaaraha ugu badan ee ka dhashay roobabkani ay dadku qabaan waxana uuyidhi ” waxa soo bara kacay dad aad u badan oo ku soobara kacay dugsiga magaalo cad oo laf ahaantiisa ay ka muuqdaan dildilaacyo xoogani, waxa ku dumay roobabkan 15 guri, waxana ku dhintay magaalada dhexdeeda 700 oo xoolo ah, waxa aan dalbanaynaa gargaar degdeg ah oo bini’aadanimo.
Roobabkan ayaa wali ka da’aya deegaamadan waxana ay yihiin kuwo khasaarayaashii ka dhashay ay ilaa hada sii muuqsaan
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Magaalo-cad


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Roobab Khasaarayaal Ba’an U Gaysay Magaalda-cad Oo Da’ay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback