Qaybta Suuqa Hoose Ee Magaalada Dhamaantoodba Dadku Way Kasoo Qaxeen, Dhaamamkii Biyaha Ayaana Ku Soo Fatahay” Gudoomiyaha Wajaale Qawrax Muuse.

Hargeysa-(Lug)-Degmada Wajaale ee gobolka Gabiley oo labadii maalmood ee ugu danbeeyay ay ka da’ayeen Roobab laxaad leh ayaa xalay daadad xoog leh oo ka soo rogmaday toga magaalada gudaheedu ay ku qaadeen laba qof oo rag ah, iyadoo qaybihii suuqa ee magaalada dhexdeedana looga qaxay daadadka xooga leh ee ku soo rogmaday, ka dib markii ay ku soo fataheen dhaamamkii biyaha ee ku wareegsanaa magaalada Wajaale.

Gudoomiyaha degmada Wajaale Qawrax Muuse Xuseen oo aanu xalay khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay isagoo jooga magaalada Wajaale ayaa wargeyska Haatuf u xaqiijiyey in roobab laxaad leh oo ka da’ay xalay magaaladaasi ay badhtamaha magaalada ku qaadeen laba nin oo ku sugnaa xilligaasi gudaha suuqa, gaar ahaan Biriijka Toga ee labada daamadood ee magaalada isku xidha halka ninka kalena la sheegay inuu daadku ka qaaday hotel ku yaala faras magaalaha oo la yidhaahdo Maka Al-Mukarama, isaga oo gudoomiyaha Wajaale ka hadlaya arrintaasna waxa uu yidhi “Roob xoog leh oo ka da’ayay magaalada Wajaale iyo Duleedkeeda oo bilowday 6:00 maqribnimo ayaa waxaan ilaa hada khasaaraha aanu ognahay uu gaadhsiisan yahay laba nin oo uu daadku qaaday oo midna uu ka qaaday kaabada biriijka toga dul mara nin kalena uu ka qaaday hotelka Maka Aal-Mukarama hortiisa, kuwaas oo labadoodaba la xiqiijiyey. Waxa kale oo khasaare ah in qaybtii suuqa ee hoose ee magaalada oo daadad badani ay kusoo fataheen gebi ahaanba dadkii ka soo qaxeen ka dib markii ay soo fataheen dhaamamkii magaaladu ee laga cabi jiray, kuwaas oo sababay in biyihii dhaamamkaasi soo fatahay ay qarqiyeen magaalada gudaheeda ilaa hadana roobku wuu nahayaa maadama ay xilli habeen ah tahayna way adag tahay in khasaaraha guud inta u gaadhsiinan yahay la ogaado. Hase yeeshee berito subax (Maanta) ayuun baa la ogaan doonaa intay dhibaatadu leeg tahay”

Mar aanu weydiinay gudoomiyaha degmada Wajaale Qawrax Muuse dhismayaashii magaalada khasaaraha ka soo gaadhay roobabka, waxa uu yidhi ‘waxa la ii sheegayaa in guryo ku yaalay qaybta qarka shishe ee toga inay dumeen oo daadadku ku soo fataheen dadkuna ka soo qaxay oo la iskugu yimid qaybta sare ee magaalada”

Dhinaca kale roobabkii todobadkan ka da’ayay magaaldaasi Wajaale ayaa iyaguna gaystay khasaare xoolo badan oo gaadhaya dhawr boqol oo neef oo Adhi ah iyo laba nin oo ay qaadeen daadadkaasi.

Haatuf