Baki-(Lug)-Roobab watay fatahaado aad u badan ayaa si ba’an u waxyeeleeyey dhulbeereed ku yaala degaanka Baki, roobabkan ayaa waxa ay socdeen mudo 4 maalmood ah oo isdaba joogah isla markanaa waxa ay wateen dabaylo dhulka dhigay geedmidhoodkii dhaadheeraa ee beeraha degaanka Baki.
Beeralayda degaamdan oo cabashooyinkooda soo gaadhsiiyay shabkada wararka ee Lughayanews ayaa xusay in khasaaraha ay ka tageen roobabkani uu yahay mid ka mid ah kuwii ugu balaadhnaa ee ka soo maray degaamadan mudooyinkan dambe, mid ka mid ah haweenka beeralayda ah eek u nool degmada Baki oo magaceeda ka gaabsatay ayaa u sheegtay shabkada in ay tani tahay masiibo wayn, waxa ay tidhi ” waxa uu da’ayay roobku saacado badan oo habeen u badan waxana aan ugu soo toosnay midhihii oo dhulka yaala iyo mushiinadii oo aan dul oo lin beeraha mana aqaan meel ay mareen.
Maayarka Baki Bare Jaamac Yuusuf ayaa isaga oo goobahaasi geeyay saxaafada ka waramay sida ay wax u dhaceen waxana uu yidhi ilaa hada waxa ay beeraha aan tiro koobnay ee khasaaruhu soo gaadhay waxa ay kor u dhaafayaan 200 oo beerood, dhul aad u badan oo dalag ka bixi jiray ayaa dooxyada ku darsamay waxana ay roobabkani daadadkii ay wateen ay aaseen ceelalo badan oo awal qodnaa oo beeraha iyo xoolaha laga waraabin jiray. Waxana aan ugu baaqayaa xukuumada iyo hayadaha kale ee caalamiga ah inay arintan ka soo gurmadaan.
Waxa kale oo iyaguna isla shalay qiimayn ugu tagay khasaarayaasha ay gaysteen roobabka Baki ka da’ay masuuliyiin ka socotay wasaarada beeraha, hayada koobi iyo Maamulka degaanka baki waxana ay indhaha soo saareen xaqiiqda ka jirta degaankaasi.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Roobab Waxyeeleeyey Dhulbeereed Badan Oo Baki Ka Da’ay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback