Boorama-(Lug)-Saraakiil ka socota dalada daryeelka xuquuqda Caruurta ee gobolka Awdal ee magaceeda la yidhaa ACPN ayaa dhawaan kormeer hawleed oo qaatay mudo 3 maalmood ah ku tagtay degaanada Saylac, Lowyacado iyo Xariirad. Ujeedada booqashada saraakiisan dalada aya waxa ay ahayd in indhaha la soo saaro xaalada caruurta degaamadaasi isla markaana lala kulmo ururada bulshada eedegaamadaasi ka hawl-gala si loogusoodaro dalada isla markaana loo abuuro iskaashi cusub oo dhexmara ururadan iyo dalada, iyo waliba in masuuliyiinta degaamadan laga dalbado inay kala shaqeeyaan ururada ka hawlgala degaamadaasi daryeelka xuquuqda caruurta iyo dadka kale ee u nuigul dhibaatada.
Intii ay wafdigani ku sugnaayeen magalada Lowyacado ayaa waxa ay la kulmeen ururada haweenka iyo dhalinyarada eekala ahBarako, Waabari iyo Ala’aamin oo intuba ka hawlgala degaamadaasi, gudoomiye kuxigeenka dalada ACPN Mud. Bashiir Maxamed Cismaan oo ururadan uga waramayay ujeeda safarkooda ayaa waxa uu sheegay in ay salka ku hayso sidii loo dhisi lahaa xidhiidh cusub oo wada shaqayn ah oo dhinaca xuquuqda caruurta ah oo dhex mara dalada ACPN iyo ururada ka hawl gala Lowyacado, waxa kale oo uu xusay in loo baahan yahay in ururada ka jira Lowyacado la iska kaashado sidii loo tayayn lahaa loona gaadhsiinlahaa heer ay ku filnaadaan ka warhaynta xuquuqda caruurta iyo dadka kale ee dhibaatooyinka u nuqul, Mud. Bashiir waxa kale oo uu daaha ka qaaday in ay daladu kordhin doonto dadaalka wada shaqaynta ah ee ay la leedahay ururada Lawyacado waxana uu uga mahad naqay sida ay u soo dhaweeyeen.
Dhinacooda ayaa masuuliyiinta ururadaasi ka jira magaaldada Lowyacado waxa ay balan qaadeen inay kordhinayaan xidhiidhka ay la leeyihiin dalada isla markaana ka hawl gali doonaan sidii bulshada degaankooda loogu wacyigalin lahaa ka warhaynta xuquuqda caruurta iyo dadka u nuqul dhibaatooyinka.
Saraakiisan ka socday dalada ACPN ayaa gaadhay magaalada Saylac ayaa waxa kale oo ay la kulmeen ururka haweenka ee Ala Aamin waxa ay is dhaafsadeen xogo muhiim ah oo salka ku haya sidii loo abuuri lahaa xidhiidh wada shaqayneed oo dhex mara ururkan iyo dalada, waxana ay wada hadleen ahmiyada ay leedahay in indhaha loo furo sidii wax looga qaban lahaa tacadiyada loo gaysto caruurta iyo haweenka.
Intii ay ku sugnaayeen magaalada Saylac ayaa waxa uu wafdigani la kulmay maamulka gobolka Salal iyo
Duqa Saylac Mud. Maxamed Cumar Cawad oo ku hadlayay afka masuuliyiintii madashaas joogtay ayaa xusay in ay soo dhawaynayaan booqashada dalada, waxana uu ka dalbaday inay xil iska saaraan masuuliyiinta daladu sidii ay u gu soo gudbin lahaayeen ururada degaankan waayaaragnimada dhinaca maamulka haboon ah ee ururada, waxana uu yidhi ” hadii aad wadaagtaan waayo aragnimada maamulka wanaagsan ee ururada hana qaday laga dhaxlay waa hubaal in ururada degaanka Salal ka jiraa ay noqonayaan kuwo taabo gala oo bulshada wax badan u qabta”.
Wafdigan ayaa intii uu ku sugnaa degmada xariirada waxa ay la kulmeen ururka Barwaaqo ee dhalinyarada ah ee ka jira degaankaasi halkaas oo ay ka wada hadleen sidii loo laba laabi lahaa hawlaha ku aadan ka warhaynta xuquuqda caruurta iyo dadka nuqul, waxa kale ooay saraakiisani ururka barwaaqo u soo jeediyeen talooyin waayo aragnimo mudan oo ku wajahan sidii ay u gudan lahaayeen waajibadka ka saaaran ushaqaynta bulshadooda.
Guud ahaan safarkii saraakiisha sarsare ee dalada daryeelka xuquuqda caruurta Awdal ee ACPN ay ku tagtay degaanadan ayaa guul ku goo gabagaboobay iyada oo ay jireen in xaaldada ay ku suganyihiin caruur badan oo degaamadan ahi ay tahay midu baahan in si dagdeg ah wax looga qabto.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dalada Xuquuqda Caruurta ee ACPN ee Boorama oo Booqatay Degaanada Saylac, Lawyacado iyo Xariirad "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback