boorama-now-1.JPG
Boorama-(Lug)-Ururka Haweenka Qaranka ee NOW ayaa maanta ka xusay munaasbada 8. March ee sanadka 2010 magaalada Boorama, munaasabadan oo loo soo agaasimay si heer qaran ah ayaa waxa gacan ka gaystay wasaarada Arimaha Qoyska ee gobolka Awdal iyo Dawlada Hoose ee Boorama.

Munaasabadii maanta oo ay ka qayb galeen Isuduwaha Wasaarada Qoyska ee Gobolka Awdal Farduusa Sh. Siciid , Badhsaabku xigeenka Gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal, Maayarka Magaalada Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile salaadiin haween masuuliyiin kale iyo dadwayne aad u tiro badan ayaa waxa lagu soo bandhigay gabayo suugaankale ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka oo dhamaantood loogu talo galay in lagu muujiyo qiimaha ay maalintani u leedahay umada reer Boorama.
boorama-now-2.JPG

Isuduwaha Wasaarada Qoyska ee Gobolka Awdal Farduusa Sh. Siciid oo munaasabadan ka hadashay ayaa hambalyaysay dhamaan haweenka dalka reer Somaliland waxana ay xustay in maalintani ay tahay maalin ku wayn umada, waxa kale oo ay Isuduwe farduusa tahniyad gaarsiisay Marwada Koowaad ee dalka Marwo Huda Barkhad Aadan oo ay sheegtay in ay lafdhabar iyo astaan u tahay kartida haweenka dalka. Waxa kale oo ay Isuduwaha Wasaarada Qoyska ee Gobolka Awdal Farduusa Sh. Siciid tilmaantay in looga baahan yahay umada reer Somaliland in la karaameeyo hooyada oo lafdhabar u ah bulshada reer Somaliland.

boorama-now-4.JPG

Badhasaabka kuxigeenka Gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal oo isaguna ka hadlay madashan ayaa hambalyo diiran u diray dhamaan haweenka aduunka iyo kan Somaliland waxana uu tilmaamay in maalintani ay tahay mid ku wayn qaranka Somaliland. Haweenka ayaa waxa uu sheegay in ay hormuud ka ahaayeen guulaha qaranka Soamaliland u soo hoyday mudadii uu gooni isutaaga ku dhawaaqay.

Suldaan Xasan Xadi Baade oo isaguna  ka hadlay madashan ayaa xusay in ay haweenku yihiin kuwa iyo dhalay dhamaan aadamaha, waxana uu xusay in haweenku ay hormuud u noqon karaan bulsho hormar gaadha loona baahan yahay in la ixtiraamo lana karaameeyo

boorama-now.JPG

Maayarka magaalada Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile oo munaasabadan ka hadlay ayaa isaguna xusay in maalintani ay tahay mid ahmiyad gaar ah ugu fadhida bulshada reer Awdal waxa uu sheegay in haweenku ay lafdhabar u yihiin ururinta qaadhaan badan oo ay dawlada hoose ku fulisay arimo hormar ah, waxa uu u hambalyeeyay dhamaan haweenka dalka reer Somaliland.

Xoghayaha dawlada hoose oo isagu hormuud u ahaa hawlihii qabanqaabada munaasabadan oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay hawlaha qabanqaabada xuska 8 March ahaamid ay xil wayn iska saareen, waxana uu u mahad naqay dhamaan haweenka qaranka Somaliland oo uu xusay in aanan la iloobi Karin kaalinta ay bulshada kaga jiraan.

boorama-now-3.JPG

Hooyo Sacaada nuur Geedi Cadamiyo oo madashan ka hadashay ayaa dareenkeeda iyo dareenka haweenka ku cabitay buraanbur aad u nuxur badnaa oo soo koobsanayay heerarkii kala duwanaa ee haweenku u soo mareen qaranimada Soamaliland, waxa kale oo Hooyo Sacaada cadamiyo ay u  ducaysay Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay u bariday caafimaad qab iyo Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland Mud. Daahir Rayaale Kaahin oo ay u bariday Cimri dherer

Munaasabadan oo ayaa lagu soo bandhigay gabayo buraanburo iyo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka oo dhamaantood ka tarjumayay sida diiran ee loo ga soo dhaweeyay Boorama munaasabadan waxana lagu dhawaaqayay in haweenku ay yihiin kuwo u baahan in loo dhamaystiro xuquuqda ay leeyihiin ee kitaabka quraanka kariimka ahi siiyay.

 

Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama