Borama-(Lug)-Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay ayaa maanta loo sameeyay Furitaan Shirkad Casriya oo xaga telfoonada.shirkadan ayaa waxaa lagu magacaabaa SOMTEL, Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qayb galay Salaadiin, cuqaal, mutacalimiin, dhakhaatiir, dhalinyaro, Haween, Mas’uuliyiin Heer gobol iyo heer degmo iyo marti sharaf kale oo fara badan.
Munaasabadan lagu furayay shirkadan Isgaadhsiiinta ee SOMTEL ayaa waxaa soo agaasimay Shirkada kale ee ay mataanaha yihiin Ee DAHABSHIIL Maareeyeeda Mudane Ismail Cabdi (Riiraash). Munaasabadan ayaa waxaa lagu furay Aayadaha Quraanka Kariimka Ah sida caadiga ah. Aayadihii Quraanka ka Bacdi ayaa waxaa hadalka qaatay. Maareeyaha Shirkada Somtel Yuusuf Muuse Ducaale waxa uuna sheegay oo uu ka warbixiyay in shirkadani ayna ahayn mid Cusub oo ay ka shaqayn jirtay Gobolada Bariga , Sida Togdheer,Saaxil, Sanaag, iminkase ay gaadhay min laasacaanood ilaa Lawyacado.
Sidoo kale waxa uu sheegay maareeyaha shirkadani in ay Adeegyada shirkadani ugu tala gashay waxaa ka mid ah, Mobile GSM, Mobile Banking oo isna ay sheegeen in ay soo bandhigayso shirkadani. Grouping ayaa iyagana loo samaynayaa adeeg gaar ah oo kharashka la charge garaynayaa uu noqonayaa mid aad u yar.
Sidoo kale adeegyada waxaa ka mid inaad ka arki karto wararkii aduunka oo aad ka akhrisan karto mobilkaaga. Sidoo kale waxa ay shirkadu soo bandhigaysaa in qaraabada dibadu ay kaala soo xidhiidhi karto si bilaa lacaga. Waxa kale oo uu sheegay maareeyaha shirkadan ay leedahay enternet Service oo lagu isticmaalayo aalad la yidhaahdo H-Moderm kaas oo wireless ah waxa kale oo uusheegay in xawaaraha enternetkaasi uu yahay mid xawaar dheeraada. Waxa kale oo jirta in lacag dheeraada aad ka helaysid marka ay kaa dhamaato lacagta aad kula hadlaysid Dalka Dibadiisa laguugu soo shubi doono lacag promotion oo aad hadalka ku sii dhamaysan kartid.
Waxaa kale oo jira wixii adeeg degdega inaad ka heli doonto numbaro gaar ah oo aad garaacdo. Sida Policka, dhakhatarada iyo wixii Howlo Degdega. Waxa kale oo isna jira adeeg madaxyada telfoonada oo wireless ah, Waxa kale oo uu sheegay labadan bilood ee soo socda inay Dalka Gudahiisa mid bilaash ah uga dhigi doonaan Dadka. Waxa uu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay in ay ula diyaar yihiin adeeg hufan , soo dhawayn, iyo qiimo ku raali galiya.
Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay Sheekhul baladka waxa uu amaan usoo jeediyay mahad naq sida loo soo agaasimay Xafladan furitaanka. Waxa uu sheegay in ay shirkadani tahay Dahabshiil oo sii farcamatay, waxa uuna sheegay in Dahabshiil inay tahay muraayad dadkana waxa aan usheegnaa in lagu daydo ayay mudan yihiin ayuu yidhi. Sidoo kale waxa uu sheegay Dadka ushaqeeya Dawlada inay kaga daydaan dhaqanka wanaagsan ee waqti illaalintiyao Balwad la’aanta Sidoo kale waxaa uu yidhi waxaa fiicnaan lahayd dadka khibrada u leh inay ka hadlaan, waxa uuna sheegay in ay Caalamku Horumar gaadhay, ayan soo socoto ushaada oo kula hadasha. Waxa kale oo uu sheegay in tartan xalaala la galo oo lana dhawro bulsahada danyarta ah.
Sidoo kale waxa hadalkii qaatay Pro: Saleebaan Axmed Guuleed waxa uuna umahadnaqay ka soo qayb galayaasha munaasabadan iyo shirkada Dahabshiil oo uu yidhi waa midhihii Shirkadaa Dahabshiil , waxa uuna yidhi Dahabshiil waqtigii jaamacada aan dhidibada u taagnay ilaa iminka inay na siiso lacag go’an oo ah 2000$ waxa uuna umahadnaqay Maareeyaha Shirkada Dahabshiil Maxamed Siciid(Dahabshiil) sidoo kale waxa uu yidhi Shaqo la’aanta waxaa ka daran mashaqaystayaasha, waxa uuna yidhi shirkada dahabshiil waxa ay ka mid tahay shirkadaha ka qaybqaatay dhismaha wadanka.
Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Eelo American University Dr.Maxamuud Xuseen Cige oo sheegay inay aad usoo dhawaynayaan furitaanka shirkadan cusub ee Somtel, waxa kale oo uu sheegay in sidaa ay Sheekulbaladkuba sheegay shaqaalaha shirkadaha privateka ahi inay ka wanaagsan yihin kuwa dowlada xaga tacliinta iyo akhlaaqdaba taasina waxa suurto galiyay oo ay kow ka tahay Jaamacadan Eelo American University sabobtoo ah waxa aan u suurto galinay in ay iyaga oo dharaartii shaqaysanayaan ay habeenkii ka dhigtaan full course taasi oo aanay makrii hore u suurto galin inay ka helaan magaalada Borama oo ayna jaamacada Camuud bixin jirin markii hore taasi proud ayaan ku nahay.
Waxa kale oo aan proud ku nahay in Maareeyaha Shirkadan cusub ee SOMTEL uu yahay Ardaydii ama product ay soo saartay jaamacadan Eelo American university, taasina waa mid aan aad iyo aad ugu faraxsanahay.
Sidoo kale dadkii halkaa ka hadlay waxaa ka mid ahaa Suldaan ibraahim Jaamac Samatar, Suldaan Yuusuf, Maxamed Cali France oo ku hadlayay afka ganacsatada Suldaan Saleebaan Cali,dhamaantood waxa ay sheegeen inay taageersan yihiin Shirkadan iyo hawlaheeda.
Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay Maareeyaha Shirkada Dahabshiil Awdal/Salal/ Mudane X/Ismail Cabdi Riiraash waxa uuna sheegay ka shirkad ahaan inay soo dhawaynayaan Da dadka macmiilayda iyo kuwa jecel inay ka mid noqdaan , waxa uuna sheegay inay taageraan shacabku shirkadan cusub lana furi doono sheerer dadyawga degen goboladan.waxa uuna sheegay inay ka faa’iidaystaan fursadan qaaliga.
sidoo kale waxa Xaajigu sheeay inuu wixii fariin ah gaadhsiin doono madaxa shirkada Maxamed Siciid Dahabshiil. Sidoo kale Waxaa ka hadashay Basra Jirde Shire oo qurba jooga kana tirsan Ururka wadaniga ah ee TIIGSI Group waxa ayna sheegtay hadal aad loogu baahnaa oo dadkii ka horeeyay ay ka gagabanayeen waxa ayna sheegtay intaan leenahay dahabshiil wax ay sheegtay in lagu celceliyay dahabshiil wado ha inoo samayso waxa ha inoo qabato waxa ay tidhi waxaan odhan lahaa inagu aynu wax qabsano markaan inagau wax qabsano aynu nidhaahno waxaas ayaa inaga dhiman ,laakiin iminka wax ha naloo qabto iniga oo wax qabsan karo waa laga fiican yahay. sidoo kale waxa ay sheegtay in magaalada qashin farabadan meelka kasta daadsan yahay cidii wax ka qaban lahayd oo dawlada hoosana waa ay ka seexatay waxa ay tidhi waxaa muhiim ah inaan inagu nadaafada guryaheena sidaan uga shaqayno aynu bilicda magaaladana aynu ka shaqayno. Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay maayorka magaalda iyo badhasaab ku xigeenka Gobolka waxa ayna sheegeen wixii dhaliil ah inay qaadanayaan shirkadan cusubna dhaqaajinteeeda ay iyagu ugu horeyn bilaabi doonaan adeegeeda.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Shirkadda Isgaadhsiinta SOMTEL Oo Maanta Boorama Laga Furay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback