Boorama-(Lug)-Munaasabadii ugu balaadhanayd ee lagu xuso xuska maalinta 8da March ee sanadkan 2010 ayaa waxa ay ka dhacday Hotel Rays ee magaalada Boorama, munaasabadan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka gabdhaha ee Moonlight oo weheshanayay Akadamiyada Hormarka iyo Nabada.
Munaasabadan ayaa waxa ka qayb galay Maayarka Magaalada Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile, xoghaya Gobolka Awdal Cabdilaahi Xuseen Aare, Masuuliyiinta ururka Moonlight, haween aad u tiro badan iyo dadwayne kale.
Gudoomiyaha ururka Moonlight Asra Sh. Cabdilaahi Cige oo madashan ka hadashay ayaa si farxadi ku dheehan tahay hambalyo ugu dirtay dhamaan haweenka Aduunka, haweenka Somalilnad, gaar ahaanka Haweenka gobolka Awdal, waxa ay sheegtay in maalintani ay tahay mid ka tarjumaysa kaalinta ay haweenku kaga jiraan bulshada, waxa kale oo ay xustay in maweenku ay yihiin lafdhabar aan laga maarmayn oo hormuud u noqday dawlado badan oo dunida ah oo gaadhay hormar dhinacwalba ah.
Gudoomiye Asra mar ay ka waramaysay xaalada haweenka ee gobolka Awdal ayaa waxa ay carabka ku dhufatay in haweenku ay yihiin kuwa maanta quudiya qoysas badan oo ku dhaqan gobolka, waxa kale oo ay sheegtay in hooyooyinku ay hormuud u yihiin wacyigalinta, waxbarashada iyo hormarka bulshada dhexdeeda ah, waxana ay intaasi daba dhigtay in loo baahan yahay in haweenka la xushmeeyo lana kordhiyo kaalinta ay ku leeyihiin talada iyo hogaanka dalka.
Gudoomiye Asra waxa iyada oo ku hadlaysa Magaca ururka Moonlight ay markale u mahadnaqday haweenka qarnka Somaliland oo ay u rajaysay in ay sanadkan kiisa ku gaadhaan cawo iyo badhaadhe, waxana ay xustay in ururka Moonlight uu u dhashay una taagan yahay sidii gabadha Somaliland ay u noqon lahayd mid hesha xuquuqda aasaasiga ah ee ay leeyihiin iyo mid quraanku siiyay, waxana ay u mahad naqday Akadamiyada Nabada oo ay xustay in ay kaalin muhiim ah ka qaadaatay qabsoomidii xaflafan.
Xoghayaha gobolka Awdal Cabdilaahi Xuseen Aare oo madashan ka hadlay ayaa soo gaadhsiiyay haweenka gobolka Salaan ka timid Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Sh. Cabdilaahi Cige, waxana uu hambalyeeyay Dhamaan Haweenka Qaranka Somaliland
Maayarka Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile oo madashan si farxad leh uga hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay ” Hooyooy la’aantaa aduunyadu hubaashii Habeen
Munaasabadan oo lagu soo bandhigay ciyaaraha Sayliciga, heeso ay qaadayeen hablo yaryar oo xidhan calanka Somaliland iyo dodo gaagaaban oo ka tarjumaya kaalinta haweenku kaga jiraan bulshada ayaa waxa ay ahaayeen kuwa wada taabtay dareenka dhmanaan dadwaynihii ka soo qayb galay madashan waxana ay munaasabadani noqotay tii ugu xiisaha badnayd ee loogu dabaaldagu maalinta haweenka aduunka ee 8da March 2010
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Ururka Moonlight iyo Xuska Munaasabada 8da March 2010 "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback