xil-abiibakar-good.JPGXilibaan Abiibakar Cabdi Good oo ka tirsan golaha Baarlaamaanka ee dalka ayaa ka dayriyay xaalada ay roobabku u gaysteen magaalada Saylac, xilibaanku waxa uu waraysi kooban siiyay shabakada wararka ee Lughayanews oo
booqatay degaanka degmada Saylac waxana uu warbixintaas kaga faalooday arimo kala duwan oo taabanaya dhimnacyo badan.

saylac-1.JPG

Waxa uu Xil. Abiibakar tilmaamay in waqtiyada soo socda ay khatar ugu jirto magaalada Sylac in ay baddu waxyeelayso waxana uu yidhi ” Biyihii badda ayaa ka magaalada dhinacyo badan ka maray, waxana suurto gal ah inay magaaladu mustagbalka bada ka mid noqoto hadii la waayo cid u gurmata, waxa ay biyahani baryihii hore ahaan jireen kuwo ay xukuumadii kacaanku si wanaagsan uga moosto magaalada, maantana  waxa maamulka Saylac ka jiraa uu ku guul daraystay in uu intaas fuliyo, waxa aan la kulmay maamulka waxana aan u sheegay in ay biyaha roobabaka iyo kuwa badu khatar kuhayaan magaalada oo loo baahan yahay in si dhakhso ah looga mooso oo ay ka faa’iidaystaan cagaf-cagafyo magaalada yaala balse arintaas lama fulin, maanta waxa idiin muuqda in magaaladii iyo cisbitaalkii ay kala go;an yihiin waxana ugu wacan waxqabad la’aanta maamulka ka jira Saylac.

xil-abiibakar-good.JPG

Xil. Abuubakar waxakle oo uu sheegay in wadooyinka Saylac ay si ba’an roobabku wax u yeeleen waxana uu yidhi ” waxa wadooyinkii baabiiyay roobabka, ma ahayn wadooyin hagaagsan, waxa ay ahaayeen caratuul aan la dhamaystirin, waxana tan ka dhashay in magaaladu ay go’doon noqoto maamulka jiraana wuu ka gaabiyay in arintaas uu wax ka qabto.

Xil. Abiibakar waxa kale oo uu xusay in Maayarka Saylac uu yahay mid ka gaabiyay gudashada waajibaadkiisii Shaqo waxana uu yidhi ” Ninba intiisa yaa la sheegaa Badhasaabku waa qof u heelan bulshada balse maayarku ma aha mid u soo jeeda in uu bulshada dhagaysto, waxa ay waayihiisu isugu soo urureen in uu tamashle ku dhex maro magaalada isaga oo marwlba ka maqan xafiiskiisa, waxa uu dhaqdhaqaaq sameeyaa maalinta y wufuudi imanayso Saylac maantana wax wali sii muuqda calanadii UDUB ee uu sudhay guryaha dushooda intii ay socotay hawshii calaamasaarka Ugaasku.

saylac.JPG

Xil. Abuubakar waxa kale oo uu ka dayriyay xaalada dhinaca xayiraada ah ee Saaran dakada magaalada Saylac waxana uu yidhi ” dakada waxa ay la mid tahay dakadaha kale ee dalka waxa saran xayiraad aans aarnayd dakadaha kale lamina garanayo ujeeda xayiraadaas, xukuumada waxa an leeyahay ha laga qaado xayiraadaas hana loo ogolaado in ganacsatada Saylac ay hesho meel ay wax kala soo dagaan.

Xil. Abiibakar sidoo kale xaalada caafimaadka ee Saylac ayuu ku tilmaamay mid masiibo ah waxana uu sheegay in degmada oo dhan aanu cisbitaalkeedii shaqayn isla markaana uu waayay cid ka hawl gasha.

saylac-2.JPG

Waxa uu Xil. Abuubakar Cabdi Good ugu baaqay dhaman laamaha kala duwan ee xukuumada iyo kuwa gargaarka in gurmad lala soo gaadho dadka degmada Saylac oo ay roobabku waxyeeleeyeen isla markaana u baahan in wax la taro.

Lughayanews-Saylac