Gabilay-(Lug)-Badhasaabka Gobolka Awdal Mud. Maxamuud Sh. Cabdilaahi Cige oo uu wehelinayay Badhasaabka gobolka Salal Mud. Maxamed Muuse Bucul ayaa maanta gudoomay raashin iyo alaabo kale oo deeq ah oo loogu talo galay in la gaadhsiiyo dadka masiibooyinka is-xigay ay waxyeeleen ee gobolada Awdal iyo Salal.

Wararka shabakada Lughayanews ka soo gaadhaya dhinaca Kalabaydh ayaa waxay sheegayaan in masuuliyiintaasi ay raashinkaas ka gudoomeen hayada WFP oo caawimadan inta ugu badan soo bixisay.

Raashinkan oo isugu jira Galay, Saliid, Bacaha roobka iyo alaabo kale ayaan ilaa hada laga war bixin inta uu dhan yahay cadadkiisa iyo meelaha ilaa hada suntan ee laga qaynayo, inkasta oo uu raashinkani  gaadhay galabta magaalada Boorama waxa wararka ilaa galabta magaalada Boorama dhex xuuraamayaa  ee soo gaadhaya xafiiska Lughayanews ee Gabilay ayaa sheegaya in raashinkan qayb ka mid ah loo diray dhinacayada Baki iyo Magaalocad sidoo kalana uu Badhasaabka Salal sii raacay  raashin kale oo lagu wado in bari lagu qaybiyo degaamada Boon iyo Xariirad ee Gobolka Salal.

Lughayanews-Gabilay