Hargeysa-(Lug)-Mudaneyaasha Golaha Wakiilada ayaa maanta ansixiyay ajandaha Kalfadhigooda 11-aad waxaanay meel mariyeen inay laba maalmood oo dheeraadda sii shaqeeyaan inta lagu gudo jiro Kalfadhigan.

Fadhigii maanta oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) waxa Xildhibaanadu ay soo kala jeediyeen laba fikradood oo kala ah in ajandaha lagu ansixiyo duuduub si loo gudo galo Qodobadiisa iyo in dood laga furo qodobada ajandaha ka hor intaa aan la ansixin.

Goluhu labadaasi soo jeedimood ayay u coddeeyeen waxaana ogolaaday in sida shirgudoonku u soo dhigay lagu ansixiyo 24 Xildhibaan, 13 Mudane ayaa iyaguna ogolaaday in laga doodo, halka 7 Mudane ayaa ka aamusay.

Qodobada Ajandaha Kal fadhiga 11-aad ee Golaha Wakiiladu ay kaga doodi doonaan mudada uu socdo Kal fadhigani waxay kala yihiin:-

Xeerka Sharciga Biyaha.
Xeerka Baananka Islaamiga ah.
Xeerka Baananka iyo Maaliyada.
Xeerka Miisaaniyada qaranka.
Xeerka Caasimada ee Gaarka ah.
Xeerka Kala Xadaynta Mushaharooyinka Goleyaasha Qaranka iyo MIisaaniyada qaranka.
Xeerka Ururada aan Dawliga ahayn.
Xeerka Sharciyaynta iyo Abuurista Haayada Miino Saarka Miino saarka Qaranka.

Waxa kale oo Goluhu Ansixin doonaa Xeerar kale oo ka soo noqday Golaha Guurtida iyo waxyaabaha kale ee soo kordha mudada kalfadhigan lagu gudo jiro.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa Mudanayaasha ku wargeliyay in dhismaha goluhu ku sii shaqeeyo oo ah xarunta Guurtida lagu wado in laga bilaabo dayactir balaadhan, sidaasi darteedna wuxuu Mudaneyaasha u soo jeediyay maalmaha ay shaqeeyaan ku kordhiyaan laba cisho oo kale oo noqona Arbacada iyo Khamiista si ay uga gun gaadhaan qodobada ajandaha Golaha Wakiilada ayaa Hoolkoodii la dumiyay waxaana loo dhisayaa Hool weyn.

Ramaas