Doorashadu Waxay Dhacaysaa Sanadkan 2010-Ka Gudihiisa” Afhayeenka Komishanka Maxamed Axmed Xirsi

Hargaysa-(Lug)-Afhayeenka komishanka doorashooyinka Maxamed Axmed Xirsi Geele ayaa shaaca ka qaaday in kaadhadhkii hore ee diwaan galinta codbixiyayaasha la badali doono doorashada madaxtooyadana lagu gali doono kaadhadh cusub oo la soo samayn doono marka hawsha kala shaandhaynta natiijada diwaan galintu soo baxdo.

Waxa kale oo uu afhayeenku sheegay in doorashadii madaxtooyadu ay qabsoomi doonto sanadkan 2010-ka gudihiisa, balse ma sheegin mudo cayiman oo ay dhacayso doorashada madaxtooyada ee dalka ku soo foolka leh.

Isagoo tilmaamay in kaadhadhka cusub ay qandaraas ku heshay samayntooda shirkad dalka South Africa laga leeyahay

 afhayeenka gudida doorashooyinka Maxamed Axmed Xirsi Geele oo shalay shirjaraa’id ku qabtay xarunta komishanka ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey in hawshii kala shaandhaynta natiijadii macluumaadkii diwaan galintu ay si fiican u socoto marka ay dhamaatana ay liisaska ku dhajin doonaan goobaha codbixinta, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in diwaan galintii hore ay khaladaad iyo musuq maasuq badani ku dhaceen Afhayeenku waxa uu shirkiisa jaraa’id ku soo bandhigay sawirada carruur hore loogu diwaan geliyay diwaan galintii dalka ka qabsoontay, rag hubaysan oo la diwaan geliyay, dad suuqa lagu soo sawiray iyo kaadhadh badan oo sifooyin farabadan oo sharci darro ah lagu qaatay.

Afhayeenku komishanku Mr Geele Isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Run ahaantii mar walba waxaad na waydiisaan su’aal ah doorashada goorma ayaad ku dhawaaqaysaan oo aad qabanaysaan, maanta jawaabta arrintaa shirkan jraa’id kagama hadlayo, su’aasha aan ka jawaabayaa waxa weeye halkee ayay wax inoo marayaan. Waxay wax inoo marayaan waad ogaydeen oo waxaanu soo dhisnay dhawaan maamulkii gobolada iyo degmooyinka ee dalka, muddo laba todobaad ah ayaanu arrintaa ka soo shaqaynaynay bari iyo galbeedba waanu dhamaystirnay, si fiicanna way noogu soo dhamaatay iyada oo aanu isku waafaqsanahay xisbiyada qaranka ee arrintani khusayso, way iska jirayaan cabashooyinku meel kastaba, laakiin waxaan idiin sheegayaa anaga iyo asxaabtu wax khilaaf ah oo arrintaa ku saabsan nama dhex yaalo.”

“xeerka diwaan galinta lifaaqiisa la raaciyey ee qodobka lixaad ee sheegaya xidhista diwaan galinta ayaa waxa dhigayaa marka la dhameeyo diwaan galinta gobolada iyo dagmooyinka hada waa tii hore ee aynu dhamaysanay ee ma jiro qof danbe oo la diwaan galinayaa, diwaan galin cusub waxa la furi doonaa uun markay dhamaadaan doorashooyinka inagu soo foolka leh ee madaxwaynaha ilaa ta dawladaha hoose, dawladaha hoose markay dhamaadaan ayaa komishanku ku dhawaaqi doonaa wakhtiga danbe ee la qabanayo diwaan galinta, arinkaasi waa mihiim oo aadbaan ugu celcelinayaa oo dadkii hore aan isku diwaan galin shakhsi iyo deegaamo ayaa jiray lafteeda aanay diwaan galintu ka dhicin sababahay doonta ha noqotee bari iyo galbeedba, waxaan u sheegayaa  inaanay jirin diwaan galin cusub oo la samaynayaa kolkaa loogama baahnayn koomishanka su’aalo, dad badan baa waraaqo noo soo qoray mar marka qaarkood oo yidhaa deegaankayaga diwaan galin kamay dhicin ee maxaa la yeelayaa” “waxan waynu sugaynaa ilaa iyo inta ay inoo furmayso diwaan galin cusub. Dhawr safar baanu galnay anagu oo aad ogaydeen oo ku tagnay Adis ababa iyo Nairobi oo deeq bixiyaasha aanu la kulmaynay, oo aanu u doonaynay inay inoo maal galiyaa mashruucan cusub, doodahii meesha ka dhacayna wixii xumaaday yaa masuul ka ahaa markii la is idhi eedo faro badan baanu saari jirnay anagu nimankii cadaanka ahaa ee meesha inoo joogay, ama ragii soo iibiyey komputeradii hore ama shirkadii hore ee inoo daabacday ee reer Yurub ama cidii maamulaysay dawlada, aakhirkii qalab xun oo khafiif ah baad noo soo iibiseen ee kun eedood aanu is daba dhignay aakhirkii markaanu wadnay waxaa lanagaga gar helay oo la yidhi waar nidaamku siduu doono ha noqdee ee gabigiinuba malyuun iyo dhawr boqol ayaad diwaan galinaysaan ee caalamka kontan kontan malyuunbaa la diwaan galiyaa ee qalabkan ay haysteen oo kele ma ku filan yahay xaga tirade marka laga eego, waxaa idiin xumeeyey waxa weeyi tartanka qabaa’ilka dhexdiina ee reer walba leeyahay yaan la idinka badanin iyo musuq maasuqa ay dadkiinu sameeyeen, aakhirkii waxaanu qancinaba waxaa daruuri noqotay si ay doorasho xor oo xalaal ahi u dhacdo in la inoo maal galiyo mar labaad oo intii hore loo galiyo in kale la galiyo, hada waxaan ka hadlayaa dhinaceena marka ay timaado intii kale soo dhamaysanay, caalamkii inagu caawi maal waxa uu ina siinayey iyo khubaro wuxuu inoo soo diray, markaa hadaba tan danbe hadii sidii tii hore aynu u kharibnay ay iyana u xumaato wax inoo hagaagayaa ma jiraan hadaynu hagaajin wayno, sidaa darteed waxaan maanta ka codsanayaa dadka reer Somaliland waynu ognahay guryaheena qof wal oo kasta oo qaatay laba kaadh ama wax ka badan ama ogba gurigiisa inta qof ee is diwaan galiyey ama ku cel celisay hadii ay jirto inay dadkaasi iskood iskaga keenaan kaadhadhka dheeraadka ah hal kaadh baanu u ogalnahay meeshii u horaysay ee ay iska diwaan galiyeen waa loo ogal yahay. Hadaba hadaad Ilaahay taqaanaan oo ummad islaam ah aad tihiin oo wadankeena aayo aynu ka leenahay waxa aanu ka codsanaynaa oo ugu baaqaynaa cidii hal kaadh wax ka badan qaadatay inay iskeed iskaga soo celiso”.

Intaa ka dib su’aalihii ay warbaahintu waydiisay Afhayeenka komishanka Maxamed Axmed Xirsi Geele iyo jawaabihii uu ka bixiyeyna waxa ay u dhaceen sidan:

S: Waxaad soo bandhigtay sawiro aad ku sheegaysaan in la musuq maasuqay diiwaangelintii, goobahee ugu badnaa oo aad sawiradan ku sheegi kartaa inay ka dhacday musuqmaasuqaasi?

J: Wadanka oo dhan bay ka dhacday meel kaliya kuma koobna

S: Imika waxaad wadaan hawl muddo dheerna dadku way sugayeen doorashada su’aasha ugu badan ee ay dadku is weydiiyaan waxa weeyaan sidaad horeba adigu u sheegtay goormaa la qaban doona doorashada, boqolkiiba imisa ayaad ku tilmaami kartaa shaqada idiin dhamaatay ilaa iyo markii idinka guddi ahaan la idin doortay?

J: Waa bilow imika horta shaqada noo dhamaatay, intii hore-se seeska ayaanu dhigaynay, markaa tii kalena waanu bilownay waxaanu ku rajo weynahay in si degdeg ah ay noogu dhmaadaan.

S: Waxaad shaaciseen inaad qandaraas bixiseen ama tartan qaybiseen  kaadhadhka cidii soo samayn lahayd ku jiraan shirkado Somaliland laga leeyahay iyo kuwo ajinabi ah ma magacaabi kartaa oo ma tilmaami kartaa shirkada ku guulaystay samaynta kaadhadhka?

J:Waxa ku guulaysatay shirkad Face la yidhaahdo oo reer South Africa ah weeyaan  

S:Muddadii heshiiskii lixda qodob ee beesha caalamku kuso gebagabaysay khilaafkii u dhexeeyay Axsaabta Somaliland ee idinka laftiina guddi ahaan la idinku magacaabay waxa laga joogaa muddo ku siman lix bilood, markii hawshii ugu horaysay aad bilowdeena waxaad tidhaahdeen afar wig gudahood  ayay khubaradu kusoo bandhi doontaa muddada doorashada la qabanayo, imika waxaad sii sheegtay in Teeram kale la sii galayo oo ay dib uga sii dhacayso oo kaadhadh cusub la samaynayo, goorma ayay doorashadu dhacaysaa imisa bilood ka dib sanadkan ma ku dhacaysaa idinkuna waxaad xilqaadeen inaad hawshaas kasoo baxaysaan la idiin igmaday?

J:Horta kaadhadhka cusub bixintoodu dib uma ridayaan doorashada, kolayba waxaanu samaynaynaa liiska aanu usoo bandhigayno dadweynaha tii uun baa kaadha cusub la raacinayaa oo isla maalintaas la bixinayaa intaa nidaamku socdo uun baa iyagana lasoo daabacayaa oo wakhti dheer ma qaadanayso, sanadkan gudihiisa ayay dhacaysaa doorashadu

S: ilaa bisha may ee sanadkan 2010  ma ku dhacaysaa xilliga doorashadu

J: Maya imika anigu wakhti idiin qaban maayo laakiin horta sanadkan 2010 way dhacaysaa doorashadu.

S:muddo badan baa laga jooga ilaa maalintii la idin doortay ama si kale hadaan u dhigno markii xisbiyadu heshiiyeen muddaa laga jooga, ka mid baad ahaydeen qodobadii lixda ahaa maadaama idinka la idin magacaabay oo ujeedada ugu weyn ee meesha ku jirtay

Iyo daatadii kale, wixii garantin iyo Security- ah runtii aad baanu ugu dadaalay nidaamkana imika Hindi inooma hayso cid kalena inooma hayso inaga gacanta ku haysana, liiskaa cusubi halku ka soo baxayana waa ka halkan inoo yaala, waa Server-ka halan inoo yaala inagu gacanta aynu ku hayno, khubarada inaga caawinaysa inamadeenii shaqaalaha ahaa ay gacanta ku hayaan kolkaa aad baanu u hubinaynaa inaan muwaadiniintuna xuquuqda aanay waayin

S:wakhtige ee ayay qaadanaysaa inta kaadhadhka cusub lagu samaynayaa?

J: Wakhti dheer ma qaadanayso bil gudaheed baa lagu samaynayaa gabigooda-ba

 

Haatuf