Boorama-(Lug)-si wayn ayaa maanta loogu soo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayay Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal magaaldada Boorama, wafdigan ayaa waxa uu ka soo laabtay safar qaatay mudo 14 maalmood ah oo ay ugu maqnaayeen dalka Djibouti. Soo dhawyntan maanta oo ay ka dhex muuqdeen Maayarka Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile, Wakiilka Xisbiga Ucid ee gobolada Awdal iyo Salal Mud. Axmed Muumin Seed iyo dadwayne aad u tiro badan ayaa lagaga hor tagay wafdiga degaanka fulunfuulada oo ku yaala duleedka magaalda Boorama.
Suldaan cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo si kooban saxaafada ugu waramay ayaa sheegay in uu guul ku soo dhamaaday safarkiisii waxana uu yidhi “Waxaan laba todobaad ku maqnayn dalka Djibouti dulucda safarkayagaasina waxa ay ahayd sidii aan beelaha isugu xidhi lahayn, hore waxaan u soo marnaydalka gudihiisa, Itoobiya maantana Djibouti oo noo dhinayd ayaan ka soo laabanay, maashaa’alaah si wanaagsan ayay wax walba noogu soo dhaamadeen waanan soo baraarujinay beelaha”.
Maayarka Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile ayaa u mahadnay dadkiika qaybqaatay soo dhowayntii suldaanka waxana uuyidhi ” suldaanka waxaan kusoo dhawaynaynaa gurigiisii isaga iyo wafdigiisa, waxa aan u mahadnaqayaa dhamaan inta ka qayb qaadatay soo dhowaynta suldaanka ee maanta”.
Sidoo kale xidhiidhiyaha gobolada Salal iyo Awdal ee xisbiga UCID Mud. Axmed Muumin Seed oo isagu maalmahan dambe ku mashquulsanaa qabanqaabada soo dhawynta suldaanka ayaa si diiran ugu mahad naqay inta ka qayb qaadatay soo dhawayntan wayn, waxana uu yidhi ” Suldaanka waan soo dhawaynaynaa isaga iyo wafdiga balaadhan ee la socda waxaanan markale leeyayay gacmo furan ku soo dhawaada, waxa aan u mahadnaqayaa baabuurlayda, dadwaynaha kale iyo bahda saxaafada ee maanta nagala qayb qaadatay soo dhawynta suldaanka.
Gud. xisbiga UCID ee gobolka Awdal Mud. Abiibakar Xuseen Shiine Dheere oo isagu qayb ka ahaa wafdiga suldaanka ayaa si diiran oo niyad furan u qaabilay soo dhoowayntii loo sameeyay maanta, waxa kale oo uu xusay inuu guul ahaa safarkoodu balse waxii faahfaahin ah ay saxaafada siindoonaan maalmaha soo socda.
Soodhowayntan maanta loo sameeyay Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal ayaa ahayd tii ugu balaadhnayd ee suldaan dhigiisa ah loo sameeyo sanadkan gudihiisa.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama



Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Sul. Dhawal oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback