caq70tuz.jpgBoorama-(Lug)-Waa arin naxdin badan oo inta badan taabanaya damiirka qofwalba oo gudaha Boorama ku nool falalka isgubka ah ee maalmahan dambe ku soo badanaya Magaalada.

Arintan ayaa sababtay in goobaha ay dadku kulmaan ee Boorama inta badan lagu gorfeeyo iyada oo ay dadku odorosayaan waxa sababay isgubka haweenka, waxa todobaadadan dambe soo cusboonaysiiyay iyo waliba saamaynta ay falalkani ku yeelan karaan bulshada reer Boorama.

Marka xaaladan sawir guud laga bixiyo waxa todobaadadii ugu dambeeyay gudaha Boorama isku gubay gabdho badan da’doodu ka yar tahay 25jir, haweenkan isgubay ayaa qaarkood ay wali cisbitaalada u jiifaan dhaawacyadaas dabka ah ee soo gaadhay halka qaarna ay u dhinteen, cisbitaalada, saldhigyada booliska iyo dadka arimahan ka ag dhow ayaa saxaafada ka dheeraada isla markaana diida inay faalo ka bixiyaan.

Dadbadan ayaa qaba in ayarintan isgubka ah ee gabdho badan sahayatay ay sababteen dhaqamo shisheeye oo bulshada ku soo kordhay, qaarkale ayaa qaba arin tan ka duwan waxana ay aaminsan yihiin in wax badan iska badaleen arimihii bulshada ee gudaha taasina ay sababtay in hablahan isgubaya badidoodu ay la jaanqaadi kari waayeen isbedelkaasi gudaha ah.

Ma aha intan oo kaliya balse waxa wax badan oo sababta keenta isgubkan ah ay dadku dusha ka saarayaan hamiga dhoof jacaylka ah ee dhalinta badideeda ku jira kaasi ay gaadhsiinayaan heer marka qofku ka samro rajoojinka dhoofka uu nolosha ka quusto, sidoo kale dhaqaalaha qoyska ayaan meesha ka madhnayn in sabab ay dadka qaar uga dhigaan isgubkan, waxana tani laga soo qaadan karaa iyada oo haweenka isgubay badidoodu ay ka soo jeedeen qoysay aanu dhaqaalahoodu buurnayn.

Dhibtan ayaa ah mid si toos ah yo mid si dadban u taabatay bulshada reer Boorama, sheekooyinka arintan qusaaya ayaa noqday maalmahan dambe kuwo badalay sheekooyinkii tahriibta ee carabka dadka ku badnaa, ilaa hada ma jirto hayad wadani ah iyo mid dawli ah oo isku dayday inay cilmi baadhis ku samayso gundhiga sababaha kala duwan ee isgubkaas.

Haweenka ayaa iyagu noqday kuwa ugu badan ee arimahan ay taabteen waxana ay noqdeen sheekooyinka arimaha isgubku kuwo si baaxad leh ugu faafa sariibadaha dugsiyada iyo suuqyada kale ee haweenku isugu yimaadaan.

Xaalku sida uu doono ha ahaadee waxa la isku raacsan yahay in waayahan cusubi ay noqdeen kuwo aad u naxdin badan oo dad badani ay ka deen celiyaan iyadoo mararka qaar ay arintan Boorama la qabto magaalooyin kale oo dalka ah. Waxana ugu muhiimsan ee ay dadbadani sugayaan waa inay arkaan ololayaal xoogan oo loo dhan yahay oo bulshada gaar ahaan haweenka lagaga wacyigalinayo cawaaqibka ba’an ee ka dhasha isgubka.

Golaha Tifaftirka Lughayanews
lughayaweb@gmail.com