Waxaan Ka Cabanaynaa Nimanka Ganacsatada Ah Ee Suuqa Jooga Ee Wax Walba Gacanta Loo Galiyay….. Khadar Maxamed Cabdi.
Boorama-(Lug)-Isusoobax si nabdoon u dhacay oo maanta ka qabsoomay gudaha sariibada hilibka ee dhexe ee magalada Boorama oo ay soo qqabanqaabiyeen maamulka Iskaashatada Hilibka ee Nafaqo ee Magaalada Boorama ayaa maanta qabsoomay. Isusoobaxan oo kulmiyay haween tiro badan iyo xubno kamid ah masuuliyiinta iskaashatada hilibka ee Nafaqo ayaa waxay ku muujiyeen dareenkooda ku aadan waxa ay ugu yeedheen maamulka kale ee gacanta loo galiyay kawaanka hilibka lagu qali doono ee casriga ah ee lagu wado in laga sameeyo magaalada Boorama.
Gudoomiye ku xigeenka Iskaashatada Nafaqo ee hilibka Mud. Maxamed Warsame Hami oo saxaafada la hadlayay ayaa yidhi “Waxaan ka cabanaynaa maamul dhisan oola sheegay in gacanta loo galiyay kawaankaas cusub ee casriga ah ee la dhisayo oo ku yimid baahida aan qabno, waxa aan diidanahay in cid kale nagu maamusho kawaankaas waxana aan rabnaa inuu noqdo mid anaka noo adeegaya oo aanay cidkale maamulayn.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa ka gaabsaday in uu magacaabo cida ay sida tooska ah uga cabanayaan, waxana uu hadalka u dhiibay xubin ka tirsan maamulka Nafaqo oo magaciisa la yidhaa Khadar Maxamed Cabi waxana isaga oo hadaladiisa u dhigay qaab duur xul ah uu yidhi ” waxaan ka cabanaynaa nimanka ganacsatada ah ee suuqa jooga ee wax walba iyaga gacanta loo galiyay, waxa an leenahay ma matali karaan danaha iskaashatada hilibka ee Nafaqo.
Mar ay wariyayaashu wax ka waydiiyeen in uu ujeedo waxaan ka soo horjeednaa nidaamka ay xukuumadu u maaraysay saamiyada lagu darsanayo kawaankaas cusub ayaa waxa uu yidhi ” anagu waan taageersanahay xukuumada kamana soo horjeedno waanan ku faraxsanahay hormarka kawaanka balse waxa aan diidanahay in aan cid kale nagu maamusho danaha aan ka leenahay kawaankaas cusub hadii alle yidhaa”.
Dhawr haween ah oo ka hadlay madashan ayaa iyaguna si dareen ku dheehan yahay u cabiray in ay iskaashatadu tahay mid isku duuban isla markaana aanan ogolayn waxa ay ugu yeedheen gumaysi faraha soo galiya shaqadooda.
Iskaashatadan ayaa waxa kale oo ay ka cawdeen in dawlada hoose ee Boorama ay ka gaabisay sidii ay nadaafada kawaanka Koonfurta Magaalda Boorama ku yaala ee hada la isticmaalo uga shaqayn lahayd, arintan ayaa waxa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Iskaashatada Nafaqo ee hilibka Mud. Maxamed Warsame Hami waxana uu yidhi ” Dawlada hoose waxaan u dirnay fariimo badan oo aan kaga cabanayno nadaafada kawaanka hada la isticmaalo waanay ka dhaga adaygtay, waxa aan dacwadayada u gudbinay Badhasaabka gobolka waxana uu qoraal arintan ugu soo gudbiyay maamulka degmada ilaa hadana wali waxba lagama qaban… waad ka naxaysaa hadii aad goobtaas booqato.
Marka loo soo laabto Kawaanka casriga ah ee la rabo in laga dhiso magaalada Boorama ayaa waxa maalgalinaysa World Bank waxana fulinaysa hayada Caalamiga ah ee FAO, ilaa hada waxa la qorsheeyay in kawaankaas laga dhiso agagaarka waqooyi ee dooxada Dhamuug, waxana ilaa hada socdo dadaalo lagu doonayo in kawaankaas maamulkiisa gacanta loo galiyo shicibka iyada oo ay dawladuna ku ilaalinayso.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Iskaashatada Hilibka Ee Boorama Oo Maana Isu-Soobax Cadho Ah Qabtay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback