buuq-ka-dhashay-qabashada-gabada-yar-ee-baanka.JPGBoorama-(Lug)-Ciidanka amniga Boorama ayaa shalay xarunta baanka Somaliland ku leeyahay Boorama ka qabtay gabadh da’deedu u dhaxayso 12-14 jir  .Cabbaare 11:20 ayaa taliyaha ciidanka amniga ee Saldhigga Boorama
  Muuse C/laahi  Hanfi uu yimid xarunta baakna Somaliland ku leeyahay Boorama , wakhtigaasoo ay albaabkiisa taagnaayeen  haweenay da’deedu u dhaxaysay ilaa 40 iyo gabadh  la socotay kaddibna waxay halkaasi isku fara saareen taliyaha saldhigga iyagoo diidanaa in la qabto taasinay u suurtagelinweyday taliyaha saldhigu inu kaxeeyol gabadha la socotay haweenaydaasi.

buuq-ka-dhashay-qabashada-gabada-yar-ee-baanka.JPG

Wakhitgaasi oo ay halkaasi ku sugnaayeen Maayarka Boorama C/Raxmaan Shide Bile iyo saraakiisha baankaasi  ayaa waxa kaddib kusoo biiray dadweyne farabadan oo hor marayey jidka baanka hormara  kuwaasooa dhammaantood isku dayayey inay taliyaha ciidankaba ku qanciyaan inay iska daayaan gabadha iyo haweenaydaasi balse taliyaha saldhiggu ku adkaystay in la qabto .

Taliyaha saldhigga  ayaa kaddib  saldhiiga Booliska u raadsaday ciidan xoojin ah oo aakhirataankiina suurageliyey in la qabto gabadhaasi loone kaxeeyo saldhigga Booliska .

Inkastoo aanu taliyuhu  wakahtigaasi si cad iigu sheegin  arrimaha loo cuskaday gabadhaasi balse warar kala duwan ayaa sheegeya inuu jiro tuhun la xidhiidha in gabadhaasi si qarsoodi ah  loooga soo kaxeeyey Jabuuti isla markaana ehelkeedii oo Jabuuti ku sugani farriin kasoo daba direen isla markaana ciidanka booliska ka codsadeen in gabadhaasi loosoo celiyo.

Warar kale ayaa iyaguna sheegeya in gabadhaasi   oo u ekeyd nooca iskadhalka ah (caddaan iyo madow) loo  qabanayey tuhunno la xidhiidha  arrimaha amniga  kaddib markii la sheegay in gabadhaasi  lagu arkay Boorama iyadoo la socotay qaar ka mid ah dadka kasoo barakacay Muqdisho oo ay wada deggenaayeen mid ka mid ah huteelada kaddibna  gabahdaasi loo sheegay inay iskaga hadho dadka noocaas ah balse mar labaad ciidanka amnigu ka warheleen inaysan ka tanaasulin taasina ay shaki gelisay  qaa ka tisan saraakiisha ciidamada amniga  oo shalay ku qabtay  sifo aan ku wanaagsanayn habdhaqanka ciidanka  amniga ilaa imika ma jiraan waa madaxbannaan oo ku saabsan  sababta loo xidhay gabahdaasi .

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama