Borama-(Lug)-Dowlada hoose ee magaalada Borama oo kaashasanaysa ciidamada booliiska iyo tarafikada ayaa maanta bilaabay inay baneeyaan hareeraha qaar ka mid ah wadooyinka waawayn ee magaalada Borama.
Ololahan oo horkacayay xoghayaha dowlada hoose C/risaaq Cali Cismaan ayaa saxaafada u sheegay inay howshani bilaabatay wakhti ay aad u soo bateen Bushashka iyo jiingadaha kale ee wadooyinka hareerahooda laga dhisay oo wax u dhimay bilicdii magaalada isla markaana cidhiidhi galiyay gaadiidkii marayay jidadka .
Ololahan oo dadka qaar qasab lagaga buriyay goobihii ay fadhiyeen ayaa u sheegay saxaafada inay dowladu ku tumatay xuquuqdoodii isla markaana ay wargalin la’aan howlahan fulisay waxa kale oo ay ku eedeeyeen dowlada hoose inay nin jeclaysi samaynayso oo ay dadka qaar u daysay goobihii ay daganaayeen.
Xoghayaha dowlada hoose oo ay cabashooyinkaasi saxaafadu wax ka waydiisay ayaa sheegay intan iyo bishii January 2010 ay wacyigalintu socotay dadkana ay ka dhago adaygeen inay ka guuraan goobahan waxa kale oo uu dhinac iskaga riixay falalka cadaalad darada ah ee lagu eedeeyey waxana uu yidhi “ ma jirto waxaasi idinkuba waad arkayseen howsha meel baan ka bilownay meelna waan joojinay intii aan ka shaqaynayna waan sifaynay”.
Si kastaba ha ahaatee ololahan oo buuq iyo sawaxan ka dhaliyay goobihii laga shaqaynayay ee maanta ayaa hadana dad badani waxa ay aaminsan yihiin in ololahani uu yahay mid dib usoo noolaynayo bilicdii Borama dowlada hoosena looga baahnaa inay mar hore qaado talaabooyinkan.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dowlada Hoose Ee Borama Oo Maanta Cagta Marisay Dhismayaal Boshash Ah Oo Ku Yaal Badhtamaha Magaalada Iyo Cabashooyin Laga Muujinayay Qaabka Ololahaasi U Qaaday Dowladu "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback