bajaaj.JPGBoorama-(Lug)-Adeeg cusub oo wax ka taraya dhinaca gaadiidka iyo adeegyada  dadweynaha magaalada Boorama ayaa markii ugu horeysay kusoo ordhaya maaalada Boorama .

bajaaj.JPG

Gadiidkan oo inta badan loo yaqaan Tig ama Bajaaj, taasoo caan ka ah dalalka India iyo Pakistan ayaa tan iyo bishan horraanteedii ka hawlgalay magaalada Boorama iyagoo dadka u kala gooshaya xaafadaha magaalada ku qaadaya  qiime aad u hooseeya oo ah kun  shilinka Somaliland  ama laba kun meelaha fogfog ah iyagoo   aad mooddo in dadweynaha Boorama oo caadaystay socodka lugeynta  ahi durba la qabsadeen gaadiidkan .

Tigtan ama gaadiidkan Bajaajka ah oo markiiba qqdi karta saddex qof ayaan  sidoo kale istaagin  24 saacadood qof kastana geeya meesha u doonayo isagoo ku raacaya wax aan ka badnay 2000 oo shilin Somaliland ah, Gaadiidkan oo  inta badan laga yaqaanno magaalo madaxda gobolka soomaalida Itoobiya ee Jigjiga ayaa inta badan waxa  wada shaqaale badan Itoobiyan  maadaama dadweynaha magaaladu aanay  baankoodu wax aqoon ah u lahayn  gaadiidkan .

auto.jpg

Tirada haatan ka hawlgasha magaalada  Boorama gudaheeda ayaa gaadhsya ilaa tobaneeyo iyadoo markii ugu horeysay magaalada si tijaabo ah loogu keenay ilaa  afar xabbadood.

Keenitankan gaadidkan tigta ama bajaajkan ayaa dhinaca kale waxay fadhiga ka kicisay gaadiidkii tagsiyada ahaa oo iyagu inta badan caadaystay inay gaadiidkoodaa ka kireeyaan  cid lacag haysta ama dhibaato haysto halkaasoo ay kaga qaadan jireen lacag gaadhasya  soddomeeyo kun ama kontyomeeyo kun  oo shilin Somaliland ah markii keliya, balse haatan safaf daadheer ugu jira sidii ay dadweynaha xaafadaha ugu qaadi lahaayeen lacag la mid a tan ay ka qaadato gaadiidka bajaajku, maadaama weli dadweynuhu ka didsan yihiin  raacitaanka gaadiidka tagaasida ahi aanay weli si fiican ula qabsan raacitaankooda taasina ay keentay caajis ku yimaadda gaadiidka tagaasida ah .

Guud ahaan markaad eegto dhaqdhaqaaqa gaadiidkani kusoo kordhiyey magaadala jidadka xun leh ee Boorama ayaa cid kastaaba ogaatay in raacitaanka  gaadiidku faa’iido weyn usoo jiiday  badi dadka ku nool daafaha magaalada ee danyarta ahaanna kuwa kasoo adeegta suuqyada hilibka iyo qudaarta

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama