Boorama-(Lug)-Amniga Magaalada Boorama ayaa waayadan dambe looga dayrinayaa dad aan weli la aqoonsan oo si gaadmo dadka ugu dilaya dhagax wakhtiga habeenkii .

Arrintan oo magaalada laga hadal hayey in muddo ah ayaan aakhirataankii isbitaalka Guud ee Boorama ugu tegey ku dhawaad laba dhallinyaro ah oo ay dhaawacyo culus iyo kuwa fududiba kasoo gaadheen dhagax goor habeennimo si gaadmo ah loogu dhuftay isla markaana ciddii ku dhufatay ay degdeg u baxsadeen , labadan dhallinyarada ah ayaa midkood waxa uu qabaa dhaawac culus kaddib markii qof aan la aqoonsani meel dhaw kaga riday dhagax aad u culus dhaawaca kasoo gaadhayna uu jebiyey lafta wejiga.

Mid ka mid ah dhallinyarada ku shaqaysata farshaxannimada loona yaqaan Qadka ayaa isna isbitaalka guud kasoo baxay laba casho ka hor kaddib markii in muddo ah lagaga daaweynayey dhaawacyo kasoo gaadhay dhagax meel dhaw laga riday.

Guud ahaan arrimahan ayaa cabsigeliyey dadweynaha magaalada ee weligoodba meelaha mugdiga ah u mari jiray xaafadahooda, ammandarada kasoo korodhay dadkan hebeenkii gaadmada ku laynaya dadweynaha oo aan ilaa imika cid u xidhani jirin ayaa la sheegeyaa inay ugusii daran yihiin wiilasha iyo gabdhaha habeenkii wada socda oo haddi xitaa ay tahay walaashaa ama xaaskaaga aan lagugu badbaadinayn, haddii dadkan dhagax ku dilaya dadku la kulmaan habeenkii.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dad looga shakiyey inay yihiin kuwa dadka dhaawacyada u geysta habeenkii si xun looga garaacay xaafado ku yaalla magaalada balse aakhirataankii la ogaaday inay yihiin dad caadi ah oo aan wax dembi ah ku lahayn arrimahan.

Ma jirto ilaa imika cid tidhi waan aragnay dadka falalkaasi geysanaya, waxayna arrintani ka dambaysay falal hore ugu dhacay magaalada oo la beegsan jiray dadka meelaha madow maraya ee sita teleefanada gacanta kuwaasoo inta la garaaco laga qaadan jiray moobilada.

Sidoo kale ayaa qaar ka mid ah dadweynaha magaalada ay qaar ka mid ah dhaawacyo kasoo gaadheen garaacis qorsheysan oo loogu geystay dhaawacyo iyagoo dadkaasi noo sheegi kari waayey cidda dhaawacyada u geysatay, maadaama qaarkood aanay kala garashaba lahayn wakhtigaasi, falalkan oo ah kuwa ku cusub magaalada Boorama ayaan ilaa imika ciidamada amnigu soo bandhigin tallaabooyin ay kaga hortegeyaan iyagoo inta badan Boorama lagu yaqaannay kooxo dhallinyaro oo isdila balse aan lagu aqoon dad dhagax gaadmo ah ku laaya shicibka habeenkii lugeynaya.

 

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama