Borama-(Lug)-Raxan ka tirsan cuqaal iyo odayaal kale oo ka baqoolay Boorama una kicitimay magaalada Xariirad ayaa qayb ka mid ah loo taxcaabay xabsiga magaaladaasi kaddib markii sida la sheegay lagu tuhmay inay ka tirsan yihiin xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye.

Warar xog ogaal oo igasoo gaadhay magaalada Xariirad ayaa sheegaya in odayaashasi oo halkaa u tegey arrimo la xidhiidha sidii ay u heshiisiin lahaayeen khilaaf soo kala dhexgalay qoysas ka tirsan beelaha ay madaxdhaqameedyada u yihiin balse aanay u tegin arrimo siyaasadeed.

Sida warku sheegeyo odayaasha la xidhxidhay ayaa waxay kala yihiin Caaqil Muuse Xuseen Faatax (Saxane), Caaqil idiris Cabdi Geelle, Abwaan Axmed Siciid Daahir (Afgudhiye) iyo caaqil Yuusuf Cabdi, Ilaa imika ma jiraan wax war ah oo ay kasoo saareen cid loo tirinayo xadhigga odayaashaasi, Inkastoo aan isku dayey inaan la xidhiidho magaaladaasina aanay waxba iiga suuragelin.

Maaha markii ugu horreysay ee arrimo siyaasadeed iyo taageero xisbi lagu xidhxidho muwaadiniin aan geysan wax dembi ah iyadoo dhinaca kalena cuqaashan iyo odayaashan loo xidhxidhay tuhunka taageerada xisbiga Kulmiye ka tirsan yihiin beesha Bahabar Celi, kana mid ardaayada beelaha Maxamed Case (Samarroon).

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama