fm-radio.jpgBorama-(Lug)-Maanta ayaa Markii ugu horeysay magaalada Borama  mawjada FM-ta laga dhagaysanayay iyadoo maqalkeeduna faseex yahay Bbc-da afka Somaliga ku hadasha.

FM-ta oo laga dhagaysto Bbc-da ayaa muddo dadwaynaha reer Awdal ay ka dhursugayeen sidii loo furi lahaa mawjadaasi oo dhagaysigeedu aad u fuduyahay,  arrintanina waxay keentay in dad badan ay rajo galisay inay ka mid noqdaan magaalooyinka laga dhagaysto FM-ta oo muddo badan ay ka dhursugayeen, FM-ta ayaa waxaa si dhib yar looga dhagaysan karaa Gawaadhiga, Mobiles-ka iyo Radio-yada iyadoo awal ay dhib ahaan jirtay in si sahal ah loo helo SW1  iyo SW2-ba iyadoo mar marka qaarkood maqalkoodu daciif ahaa balse maanta mar hadii la helay FM-ta in wakhti walba iyo goob walba lagu dhagaysan doono lagagana kaaftoobi doono meelihii makhaayadaha ee dadku hortooda ku soo buuqi jireen iyaga oo doonaya inay wararka Bbc-da ay halkaasi ka dhagaystaan.

Arrintani waxay keenaysaa in gobolka Awdal uu ka mid noqdo gobolada Somaliland iyo Somaliyaba maadaama ay hore gobolada qaarkood uga shaqayn jirtay.

FM-ta waxaa ka fuliyay magaalada Borama oo isku xilqaamay keenista iyo ka dhagaysiga FM-ta Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telcom ee Somaliland laanteeda Borama.

Sidoo kale ayaa waxa ay shirkadda Telcom ka samayn doontaa FM-ta magaalada Burco todobaadka inagu soo fool leh, taasi oo ay ugu talo gashay in magaalada Borama iyo Burco ay mar kaliya u wada samayso FM-radio.


Wariye:-
Abokor Hassan Affi
Lughayanews-Borama