dsc01480.JPGBorama-(Lug0-Bariga magaalada Boorama ayaa haatan waxa ka socda dhisme loogu talo galay inuu noqdo kawaanka casriga ah ee loogu talo galay in si casriyeysan looga fuliyo hawlaha qalliinka xoolaha magaaladuna kaga raysato sariibaddii hore ee duugowday isla markaana caafimaad darro badan iyo dayac badani ka muuqdo.

dsc01480.JPG

Marka aad maqasho kawaan ama sariibadda gawraca xoolaha ayaa waxa maskaxdaada soo geleya in meeshaasi ay joogaan gasaariin ama dadka ka shaqaysta xoolaha qalliinkooda isla markaana diyaariya hilibka lagu iibinayo magaalada dhexdeeda, gasariintaasoo muddo sannado ah ama ka badanba usoo shaqo tega goobaha sariibadahaasi waxayna Boorama leedahay iskaashato ay ku bahoobeen dadka ka ganacsada hilibka iyo kuwa qalliinka qaabilsan magacoodana la yidha” NAFAQO”., Kaddib markii maamulka degaanka Boorama ogaaday in Boorama u baahan tahay sariibad ama kawaan casri ah oo lagaga BAXO kan haatan dayaca badani ka muuqdo ayaa waxa hay’;adaha caalamiga ah ee dalka ka hawlgala dalka iyo dawladdaba lala hoos galay in mashruiucaasi baahi weyn loo qabo, sidaa darteedna ay haya’ado badani ka jawaabeen codsiga golahaasi.

Waxa markiiba mashruuca kawaanka casriga ah ee Boorama lala kaashaday ha’daha ay ka mid yihiin FAO iyo World Banka kuwaasoo shuruudo adadag ku xidhay higelinta mashruucaasi shuruudahaasi oo aad u badnaa ayaa waxaan kasii xusuustaa in mashruucan loo helo damaamand qaad, maalgelinna ku sameeyaan dad kasoo jeeda dalka ama degaanka loo dhisayo isla markaana la helo cid ka talisa ama gacanta ku qabata marka uu dhammaado mashruucaasi oo hawshiisa socodsiisa si looga faiideysto iya iyadoo inta badannna deeq bixiyayaashau tixgelin siinayeen shirkadaha , ganacsatada iyo maal qabeenada ka madaxbanan dawlada, wadahaala dabadheeraaday oo Ilaa New York lagaga soo shaqeeyey ayaa aakahirataankii lagu ogolaaday in Boorama loo dhiso kawaankaasi iyadoo dhulka laga dhisayana sahankiisu muddo qaatay.

Si kastaba ha ahaatee iskaashatooyinka hilibka Boorama ayaa markii ay maqleen kawaan casri ahba la idiin dhsiyaa oo aad ku shaqaysan doontaan u qaatay in laga wareejinayo meesha haatan lagu qalo xoolaha loona wareejinayao meel ay u dhiseen dawladda iyo hay’adaha deeqda bixiya balse goor dambe ayey ka shakiyeen dhismaha kawankaasi cidda uu faa’iido u noqon doono ama ku shaqaysan doonta iyagoo durba dareemay in kawankaasi yahay mid aanay shaqo ku lahayn, cid kalena gacanta ku dhigi doonto ama ku shaqaysan doonto sidaa darteedna waxay durba bilabeen inay qaylo dheer ka bixiyeen waxa ka iman kara kawankaasi haddii uu farahooda ka baxo iyadoo qaar ka tirsan iskaashatada nafaqo durba digniino xoogle ka bixinayan kawaankaasi hawshiisa mustaqbalka ama ku shaqaysan lahaa kuwaasoo wadahadal lala galay hiliblayaasha iyo iskaashatooyinka hilibka oo ay ugu horreyso iskaashatada loo yaqaan Nafaqo loogu ballan qaaday inay yeelan doonaan gacan kuhayntiisa iyo maamulkiisaba.

Hase yeeshee dhinaca kale waxa kasoo baxay ganacsato iyo maalgeliyayaal doonaya inay kawaankan dhaqaajintiisa gacanta ku dhigaan kuwaasoo lacago badan ku bixiyey siyaalo kala duwan oo mugdi ku jirana loo bixiyey, qandaraaska lagu dhisayo oo aan si xalaal loogu tartamin.

Iskaashatada hilibka ee nafaqo ayaa dareennada ay ka bixiyeeni ku salaysan yihiin waxyaalaha daba socda fulinta dhismahaasi kaddib iyagoo u arka in iskaashataa hilibka ee Nafaqo iyada laga dulguuray isla markaana kawaankaasi gacanta loo geliyey ganacasato la mid ah tan haatan gacanta ku haysa shirkadda Biyaha Boorama ee SHABA., maadaama durba Nafaqo dareesan tahay in maalqabeenada SHABA haystayi usoo tafaxayteen in kawankasi ka dhigaan SHABA kale .Iskashatada NAFAQO ayaa sidoo kale dareen ka qabta waxyaalo ay ka maqleen mashrucaasi oo la doonayo in hadii ay tegaan dawladdu dulsaari doonto lacago an ital u haynin kuna celcelisay inaanay kawaankaasi shaqo ku yeelan doonin, cid kale oo hilib casri ah ku qali doontaana aanay jiri doonin ilaa inta laga daynayo jujuubka lagu jujuubayo inay ku shaqeeyaan kawaankaasi oo dawladdu doonayso inay neefkiiba duldhigato lacag gaadhaysa ilaa 3doolar neef walba, halka maanta la duldhigo labakun oo Somaliland shilin. iyagoo hore u sheegay in ciddii hilib ka dhoofinaysa kawankaasi iyo cid klastoo ka faa’iideysanaba aanay ku haysan balse aanay aqbali doonin in cid kale gacanta loo geliyo.

Si kastaba ha ahaatee mulkiilayaasha gacanta ku hayn doona kawaankaasi iyo iskaashatada hilibka ee haatan Boorama ka shaqaysa ayaan la ogeyn waxay kala mudan doonaan marka dhismaha kawaanku dhammaado hadii aan degdeg xal loogu heliina waxay cid kastaa garanaysaa waxyaalihii ka dhacay Hargeysa, wakhtigaasoo maamulka G/degaanka Hargeysa iyo hiliblayaasha caasimaddu iskaga hor yimaaddeen gacankuhaynta kawaanka casriga ee haatana ka shaqeeya Hargeysa, sidaa darteedna loo baahan yahay in inta goori goor tahay xal loo helo khilaafka iskaashatada hilibka iyo maalgeliyayaasha kawaanka casriga ee Boorama.

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama