Borama-(Lug)-Xaflad la isku arkay kuna saabsanayd sidii dib loogu habayn lahaa hawlaha urur maxalli ah oo qaabilsan dhismaha jidadka G/Awdal ayaa manta lagu qabtay Huteel Rays ee magaaladan Boorama .
Xafladdan oo ay kasoo qaybgaleen Guddoomiyaha G/degaanka Boorama , Guddoomiyaha jaamacadda Cammuud, qaar ka mid ah salaadiinta caanka ah ee reer Awdal, Culimaauddiin, Ganacsato, xubno ka socday qurba jooogga reer Awdal iyo maamulayaasha shirkadaha madaxaa bannaan ee ka hawlgala Boorama iyo martisharaf kale ayaa guud ahaanba lagaga hadlayey sidii loo soo nooleynlahaa urur maxalli ah oo ka hawlgala dhismaha ama wax kaqabashada jidadka baaba’asan ee gobolka Awdal gaar ahaanna jidka isku xidha Dila iyo Boorama.
Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay Sh.C/laahi Sh.Cali Jawhar kana mid ah culimada caanka ah ee reer Somaliland isagoo sheekhu kasoo sheekeeyey waxyaalaha foolxumada leh ee jidxumada G/Awdal ka taagani usoo jiidday guud ahaanba dadweynaha gobolka iyo Somaliland inteeda kaleba .sheekh oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “runtii waa wax laga naxi in Boorama dadka aan hore u aragi ka sheekeeyaan foolxumada taalla jidadka gobolka. Waxa dhacda in dadka ka yimaadda gobolada kale ee Somaliland ama dalalka jaarka ahi Boorama u yimaaddaan caafimaad darro lagagana daaweeyo , kuwaasoo marka lagu sameeyo qalliinno kala duwan aan dib u mari Karin jidka isku xidha Boorama iyo Hargeysa, waxa dhacda in cid kastoo wax horumar ah u keeni lahayd gobolku aanay dib usoo laaban marka ay arkaan jidkaasi Dawladdu itaal ay ku dhisto malaha jidkaasi, innagaa la inooga fadhiyaa inaan wax qabsanno .”.
Xasan Cali Cusmaan oo isagu ah masuulka cusub ee lagu wareejiyey maamulka ururkan maxalliga ah ee jidka Awdal oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi ‘waxan aad idiinkaga mahadcelinayaa sidaad iigu sharrifteen munaasabaddan inkastoon dalka ka maqanaa haddana hoos iyo korba waan kala socday waxa horumar iyo dibudhacaba leh ee ka dhaca.Maanta waxan idiin sheegeyaa in ururkii ARNA ee qaabilsanaa iskuxidhka jidadka Awdal maanta magacaasi laga beddelay maadaama gobolka Awdal uu dhalay gobolka Selelna ururkaasi loo bixiyey magaca SERDA…………Waxan aad ugu mahadcelinayaa In hawlihii ururka ARNA kasoo qabtay gobolka Awdal ,Anigoo dhinaca kalena idinka codsanaya inaad igala shaqaysaan hawshan samafalka ah ee Ilaahay ammaanay ciddii ka qayb qaadata .waxa ururkani 65% u baahan yahay waa qalab ,35% waa dhaqaale ama lacag caddaan ah ,mana aha hawl fudud , waxayse u baahan tahay niyad adag iyo waddanininimo, waxaan odhan lahaa jidkan waa in lagu soo xidhaa ilaa Jaamacadda Cammuud sababtoo ah markaad eegto dadka Hargeysa usoo safrayaa iyo dadka u kalahaya jaamacadda, waxa badan inta jaamacadda u kalahaysa?.
Guddoomiyaha Jaamacadda Camamuud Prof.Suleemaan Axmed Guuleed oo isna halkaasi saaka ka hadlay ayaa Yidhi “ Arrintan ilama aha mid innagu cusub , innagu haddaan caadaysannay inaa dhulkaasi burbursan gaadiidkeenna marinno, caalamka kale inta ka timaadda ee inoo imanaysa yaa ka naxaysa . Waxan ka naxaa marka nin ajnebi ah oo jaamacadda usoo socdaayi ii yimaaddo isagoo xiiqsan, maxaan weydiin karaa nin tabcaan ah oo jidkaasi soo maray. Markaan dib ugu noqdo.prof. Xasan Cali Cusmaan ee aan maanta u garannay inuu jidkaasi dhibta badana leh hawlihiisa loo xilsaaro waxa weeye ragii faraakutirisdka ahaa ee igala qayb qaatay dhismaha jaamacadda Cammuud , isagaana fikirkiisa ay ku timid jaamacadda aad arkaysaan, Aniga iyo isagaba waa nalala yaabbanaa waakhtigaasi, maantana waa la arkayaa fikirkaasi meesha uu marayo .Waxa la sheegay in dad caafimaaddarro u soo mari waayey jidka Hargeysa-Boorama jiraan balse waxa ka daran kuwa u qaatay inay afduuban yihiin lana geysanayop dhul buuraley ah maadaama jidkaasi aanay u arkayn jid hagaagsan oo la mari karo,..waxan leehay maanta waa fursad kale oo horumar kale leh ee dhammaanteen aan taageerro naf iyo maalba”.
Muumin Jaamac Samaale oo ku hadlayey magaca ganacsatada reer Awdal isla markaana ka mid ah xubnihii ururkii ARNA ayaa isagu ka sheekeeyey dhibaatooyinkii xukuumadda Somaliland kasoo gaadhay markii ay aasaaseen ururka ARNA waxna ka qabtaan jidadka.Muumin Jaamac Samaale oo arrintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Horta markii aan Ururkaasi samaynnay annagoo ah ganacsatadii Boorama waxaan lahayn wax qabsada ,waxa noo yimi ku dhawaad sided wasiir oo mid kastaaba nagu yidhi yaa idiin dirtay hawlahan , hanjabaadbaa nafta nalalaga qaaday, Annagu ganacstaan ahaynoo sharcigan dawladdu sheegeyso maba garanaynno, marxuum Cabdi Xasan Buunibaa naga sasabay wasiiradii .dee aqoon la’aanbaa maga haysaye hawsha jidadka waxanse maanta leenahay ilaahay ha idinku garab galo .waxaad nagaga wanaagsanaan doontaan markaad tidhaahdaan qaadhaan keena dee annaga ganacsatada waxa nala odhan jiray idinku horta bilaaba, maantana cidi kastoo hawshaa wada waan la shaqaynaynaa”.
Maayarka Boorama C/raxamaan Shide Bile oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay oo yidhi “maanta waa maalin kale oo farxad u ah dawladda Hoose iyo G/degaanka maadaama adeeg dadweyne oo aan itaal u weynay wax nalagala qabanayo .Markaan bilaabaynay jidkan ee Boorama dhex mara waxa naga qabsaday ilaahay uun baa ogaa balse waayo aragnimada aan ka dhaxallay jidkaasi yar ayaa ahayd mid wanaagsanayd oo aan wax ugu taraynno maamulka cusub e ururka SERDA oo Guddoomiyihiisa Xasan Cali Cusmaan ahaa ninkii ama muwaadinkii ug horreeyey ee qaadhaann saddexboqol oo Doolar iisoo diray markaan bilaabayey jidka laamiga ah ee Boorama dhex mara maanta . Waxan ku caawina doonaa gaadiidka dawladda Hoose iyo itaal dhaqaale waxaan hello.
Xafladdan maanta ayaa sidoo kale waxa ka hadlay xubno ku hadlayey magaca Qurbajoogga reer Awdal, haweenka iyo qaar ka atirsan salaadiinta G/Awdal oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Suldaan Xasan Xaddi Baade, Suldaan Saleemaan Cali iyo Suldaan C/raxmaan jaamac Dhawal , salaadiintaas iyo wakiilada ururadaa kuwaasoo dhammaantooda ballanqaaday inay gacan ka geysan doonaan taabbo gelinta hawlaha SERDA.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xaflad Lagu Dhaqaajinayo Dibna Loogu Habaynayey Hawlaha Urur Maxalli Ah Oo Qaabilsanaan Doona Dhismaha Jidadka G/Awdal Iyo Selel Oo Boorama Lagu Qabtay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback