Borama-(Lug)-Ciidamada amniga ee ka hawlgala degaanada Dila, Wajaale iyo magaalo cad ayaa ka hortegey rabshado iyo bannanbaxyo ka dhici lahaa degaano hoos yimaadda maamulka degmada cusub ee Magaalocad hoosna timaadda maamulka G/Awdal.
Sida wararku sheegeyaan raxan ka tirsan madaxdhaqameedyada degaanno ka tirsan magaalo cad isla markaana qananqaabinayey cabashooyin ka dhan ah maamulka Magaalo cad ayaa xabsiga loo taxaabay iyadoo dhinaca kalena dadaweynaha degaanno hoos yimaadda maamulka magaalocad qaban qaabinayeen bannaan baxyo ay muujinayaan musuqmaasuqa raashin deeq ahaa oo la sheegay inay dadweyanaha dhulkaasi ugu deeqday Hay’adda WFP.
Toddobaadkii hore ayuun bay ahayd markii masuulka xisbiga UCID ee magaalada Boorama u saxaafadda uga warramay raashin deeq ahaa oo laga musumaasuqay dadweynaha magaalo cad kaddibna raashinkaasi qayb ka mid ah laga soo qabtay magaalada Wajaale hase yeeshee aan ilaa imika la ogeyn meesha uu ku dambeeyey raashinka deeqda ahaa.
Madaxdhaqameedyadan shalay lagu weeraray degaanka loo yaqaan Garbohaadlay kana tirsan degaanada hoos yimaadda maamulada wajaale iyo magaalocad ayaa la sheegeyaa inay ka dambaysay markii dhulkaasi ay gaadheen raashin deeq ah oo ay ka sugayeen ha’adda WFP balse ay waayeen sidaa darteedna ay doonayeen inay qaylo dheer gaadhsiiyaan dawladda intii aanay ciidamada amaanku ku dhex dhicin kulan ay arrimahaasi ka lahaayeen.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Ciidamada Amniga Oo Ka Hortegey Rabshado Ka Dhici Lahaa Deeq Raashin Ah Oo Laga Leexsaday Dadweynaha Ku Nool Magaalo-Cad Dadna U Xidhxidhay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback