Borama-(Lug)-Wararka ka imanaya daweynaha ku nool tuulada Toqoshi ee G/Selel ayaa jawaab cadho leh ka bixiyey raashin deeq ahaa oo sida la sheegay laga lunsaday dadweynaha halkaasi ku nool kuwaasoo dareenkoodaasi ku cabbiray bannanbaxyo ay jidka dhex mara magaaladaasi ku gubeen taayirro , kuna dhawaaqayey hadallo ka dhan xukuumadda iyo maamulka gobolkaasi.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegeya in labadii casho ee ugu dambaysayba dadweynaha magaaladaasi milixda ku caanka ahi maamulka gobolkaasi ku eedeynayeen inuu ka lunsaday raashin deeq ah oo hay’adda WFP u dirtay degaanada ay saameeyeen abaaruhu ee gobolkaasi balse raashinkaasi sida la sheegay ay leex sadeen xubno ka tirsan masuuliyiinta gobolkaasi iyo qaar ka tirsan xukuumadda sare isla markaana raashinkii deeqda ahaa lagu iibiyey lacag ka badan 1.400 ,000 (halmilyan iyo afar boqol oo kun) lacagta faranka Jabuuti ah una dhiganta ku dhawaad $9000 oo Dollar.
Bannanbaxyada ka dhacay Toqoshi ayaa sidoo kale kusoo beegmay wakhti ay magaaladaasi soo geleyeen koox dalxiisayaal Faransiis ah watayna toddoba gaadhi isla markaana bannanbaxayaashaasi jidka ku joojiyeen intii rabshaduhu socdeen kaddibna Taliyaha ciidanka amniga ee gobolkaasi oo la yidhaa Maxamed Colhaye uu ka sasabay dalxiisayaashaasi sidaana lagu soo daayey.
Wararkan ayaa sidoo kale sheegeya in leexinta raashinkan deeqda ah ee laga leexiyey muwaadiniinta magaaladaasi ay ka dambeeyeen ama lagu xidhiidhinayo wasiirka dalxiiska iyo Hiddaha Somaliland C/risaaq Waaberi, Badhasaabka gobolka Selel iyo nin la yidhaa ina Cindi oo aan la ogeyn xilka uu ka hayo G/Selel kuwaasoo sida la sheegeyo raashinkaasi ka fasaxay ganacsade reer Jabuuti ah oo u qaatay dhinaca Jabuuti., marka laga reebo labaatan kiish oo sonkor iyo garow ah oo la siiyey dadweynaha magaalada Caasha Caddo.
Raashinka deeqda ah ayaa la sheegay in loo waday dadweynaha ku nool degaanada Jidhi, Ceelgaal , C/qaadir iyo Saylac waxana sida la sheegeyo ay saarraayeen laba ilaa saddex gaadhi oo ah kuwa 24ka tan ah .Ilaa imika ma jiraan warar rasmi ah oo ay eedahaasi iska leexinayaan ama ku qiranayaan masuuliyiinta dawladda ee loo tirinayo inay lug ku leh masuqmaasuqa raashinka deeqda ahaa ee loo waday dadka ay saameeyaan abaaraha isdabajoogga ah ee waayadanba ka dhici jiray dhulkaasi.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dadweynaha Ku Nool Tuulada Toqoshi Ee G/Selel Oo Dareen Cadho Leh Ka Muujiyey Deeq Raashin Ahayd Oo Laga Lunsaday, Isusoobaxyo Taayirro Lagu Gubayna Ka Dhigay Halkaasi "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback