amoud-universityvs-un-delegates-4.JPGBoorama-(Lug)- Wafdigan uu hogaaminayay u qaybsanaha arimaha bini’aadanimada ee UNta ee Somalia/Somaliland Mud. Mark Bowden oo ay wehelinayeen Madaxa hayada FAO ee Somalia/Somaliland Mud. Graham Farmar iyo Sarah Hildigs oo ah isuduwaha xafiiska Unta ee Somaliland oo ay wehelinayaan Mud. Maxamed Jamac oo hayada FAO u qaabilsan goobaha mashaariicdu ka socoto ee Somaliland iyo Mud. Cabdirashiid Cumar Cismaan oo ah isuduwaha mashaariicda loo yaqaan DURDUR hayada FAO ay ka wado degaanada Baki iyo Garbodadar ayaa mudo 2 maalmood ah ku sugnaa magaalada Boorama, wafdigan ayaa intii ay ku sugnaayeen Boorama waxa ay indho-indhayn ku sameeyeen hawlaha mashaariicda ah ee ka socda demada Baki iyo Borama.

amoud-universityvs-un-delegates-4.JPG

Wafdigan ayaa waxa ay booqdeen Xarunta Jaamacada Camuud, Isbitaalka Alxayaat iyo Kuliyada Beeraha ee Jamacada Camuud oo ay wada shaqayn balaadhan leeyihiin hayada FAO. Masuuliyiintan ayaa intii ay goobahaasiu marayeen waxa ay la kulmeen gudoomiyaha Jamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed iyo Hormuudka kuliyada Beeraha ee Jamacadda Camuud Prof. Abokor Sh. Cabdi Maxamed waxana ay ka dhagaysteen warbixino faahfaahsan oo ka waramayay hawlaha ka socda goobahaas, waxa kale oo ay masuuliyiintani siiyeen dhigooda ka socda hayadaha caalamiga ah warbixino quseeya xidhiidhada ay la leeyihiin hayadaha caalamiga ah, waxana ayka marag kaceen in wadashaqayntaasi ay tahay mid ku soo beegan tahay waxqti loo baahnaa oo muhiim u ah kobcinta hormarka dalka.

amoud-universityvs-un-delegates-5.JPG

Isla maalintii shalay ahayd oo ay wafdigai u amba baxeen dhinaca Baki ayaa waxa ay indhaha soo saareen mashaariicda dhinaca hormarka ah ee ka socda degaanka Baki ay hayadahani maalgaliyaan, waxa kale oo ay halkaasi kula kulmeen Duqa degmada Baki Mud. Bare Jaama Yuusuf oo sheegay in hawlaha ay hayadahani caalamiga ahi ka wadaan degaanka Baki ay yihiin kuwo ay ka faa’iidaysteen beeralay badan  oo ku nool degaankaasi waxana uu ka dalbaday in ay sii kordhiyaan deeqaha ay siiyaan beeralayda degmada Baki.

Intii ay ku sugnaayeen magaalada Baki iyo dagaanadeeda ayaa waxa ay indhaha ku soo saareen qaabka ay hawshu u socoto waxana ay madaxdan hayadaha caalamiga ahi sheegeen inay ku qanceen qaabka ay wada shaqayntu uga dhaxayso hayadaha Coopi iyo DRC oo iyagu iska leh fulinta mashaariicda looyaqaan DURDURka ee ka socda degaanadaasi.

amoud-universityvs-un-delegates-6.JPG
amoud-universityvs-un-delegates-7.JPG
amoud-universityvs-un-delegates-13.JPG
baki-vs-un-delegates-3.JPG
baki-vs-un-delegates-11.JPG
baki-vs-un-delegates-14.JPG
baki-vs-un-delegates-18.JPG
baki-vs-un-delegates-18.JPG
baki-vs-un-delegates-19.JPG

Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama