asarda-prof-xasan-cali.JPGBoorama-(Lug)-Hoolka shirka ka socday waxa garbo siman isku hayay Masuuliyiin Salaadiin, Aqoonyahan, Culimo Haween, Ganacsato iyo xilsideeno kale oo bulshada qaybaheeda kala duwan matalayay, waxa uu ahaa shir loo soo agaasimay si balaadhan kaasi oo dulucdiisu ahayd sidii loo sii amba qaadi lahaa dadaaladii la rabay in lagu meelmariyo jidadka goboladan oo ah kuwo dib u dhac xoogani uu ka muuqdo.

asarda-prof-xasan-cali.JPG

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hayada Hormarinta Jidadka Gobolada Awdal iyo Salal ee marka la soo gaabiyo magaceeda loo yaqaan  ASARDA ayaa waxa lagu iftiiminayay ahmiyada ay leedahay in wax walba oo isku day waxqabad ah laga bilaabo gudaha isla markaana bulshada qaybaheeda kala duwan loo dareensiiyo baahida jidadka ee goboladan inay tahay mid cidwalba taabatay. Waxa kale oo aan ka madhnayn dulucda shirkan sidii loo muujin lahaa in wax kaqabashada jidku ay tahay mid muhiim u ah dhaqalaha, caafimaadka iyo waliba hormarka kale ee bulshada goboladan ka dhexsocda.

awdal-aqoonyahan.JPG

Gudoomiyaha hayadan ASARDA Prof. Xasan Cali Cismaan oo madashan ka jeediyay hadal dhaxal gala ah isla markaana taabtay cidwalba oo shirka ka soo qayb gashay ayaa yidhi” Hadii aan xoohgeena jeebkeena iyo rajadeena midayno islamarkaana Alle SW talo saarano kuna dhaqaaqno waxqabadka wadooyinkeena waa hubaal waan guulaysanaynaa… waxa an ka marag kacayaa in goboladani ay ahaayeen meeshii taariikhda iskaa wax u qabsadu ay ka soo bilaabatay maantana loo baahan yahay in gacmaha la is qabsado lagana hawl galo sidii hawshaas loo dhaqaajin lahaa…. Ma aha wado xumadu culays haysta qof gaar ah, waa culays uu dareensan yahay qof walba oo ku dhaqan goboladan waana wax waajib ah oo loo baahan yahay inuu ka dareen celiyo….”.

awdal-dhakaatiirta-waawayn.JPG

Maayarka Boorama Mud. Cabdiraxmaan Shide Bile oo shirkan intii uu socday goobjoog u ahaa ayaa balan qaaday in ay dawlada hoose ka qaadan doonto kaalin muhiim ah meelmarinta qorshayaasha la rabo in lagu bilaabo hawsha…. “waxaan balan qaadayaa in shaqalaha dawlada hoose iyo iska rogooyinka dawlada hoose ay noqon doonaan kuwa ugu horeeya uguna dambeeya ee hawsha wax ka qabashada jidka u taagnaada…”. Maayarku waxa kale oo uu balan qaaday in uu masuuliyiinta hayada ASARDA la wadaagi doono waayo aragnimooyinkii uu ka dhaxlay hawlaha wado samaynta ah ee kasocda ama qaarkood ka hirgaleen Boorama.

awdal-ganacsatada-waawayn.JPG

Culimadii shilkan ka hadashay ayaa iyaguna ka marg kacday in islaamku uu si wayn u dhiiri galiyay iskaashiga iyo wax wada qabsiga, waxa kale oo uu Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar oo hadashan si qoto dheer uga hadlay uu carabka ku dhugftay in wadooyinka oo wax laga qabtaa ay la mid yihiin  iyada oo si cibaado ku ladhan tahay waajibaad rabaani ah loo gutay.

awdal-haweenka.JPG

Aqoonyahankii madashan fadhiyay ee hadalka isaga daba xigay ayaa carabka ku dhuftay in la gaadhay waqtigii loo baahnaa ee laga midho dhalinlahaa riyooyinka mudada dheer soo jiitay ee qof walba oo ku nool goboladan uu maanka ku hayo inuumaalin uun arko degaandaas oo wadooyin laami ahi dhex maraan, waxa kale oo Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo ahmiyada hawshan hoosta ka xariiqayay uu yidhi ” ASARDA ha isku noqoto hana soo diyaarsato qorshe waxqabad oo balaadhan dhamanteena markale ha isugu keen yeedho kulan kale oo kan ka balaadhan oo hawsha lagu dhaqaajinayo”.

awdal-xilsideeno.JPG

Madashan ayaa salaadiintii fadhiday oo hadalka isaga daba-xig-xigtay ay balan qaadeen in ay dadaal u gali doonaan sidii loo heli lahaa qarashka ku baxaya ee loo qoondeeyo ee bulshada ku soo hagaaga, waxa kale oo ay dalbadeen in dadaalka loogu jiro hawshan laga ilaaliyo inuu fashilmo iyada oo aanan waxba laga qaban waxana salaadiintaasi kala ah Sul. Saleebaan cali Ismaaciil, Sul. Cabdi Jaamac Dhawal, Sul. Ibraahim Jaamac Samatar iyo Sul. Xasan xadi Baade ay ka midaysnaayeen heelanaanta ay u hayaan hawsha hormarinta wadooyinla gobolada Awdal iyo Salal.

Ganacsatada oo iyaduna madashan ka hadashay ayaa isku raacsanayd baahida ay u qabaan jidkan, waxa akle oo ay xuseen in ay wax badan soo bandhigi doonaan dhibaatooyinka calculus ee ay iyagu ku qabaan jidadka isku xidha goboladan oo ay inta badan maraan, waxa kale oo ay ganacsatadu sheegeen in waqtigan uu yahay midkii ugu mudnaanta badnaa ee dhibaatadaas wax looga qaban lahaa.

Haweenka oo iyaguna ahaa kaamin muhiim ah oo shirkan ka qayb qaadatay ayaa waxa ay sheegeen in ay diyaar u noqon doonaan dhiiri galinta bahwaynta ka hawlgalaysa hawshan, waxa kale oo ay sheegeen balana qaaden inay bixin doonaan qayb muhiim ah oo ka mid ah qaadhaanka la rabo in wadooyinkan lagu hormarintooda lagu dhaqaajiyo.

Shirkan oo ahaa kii ugu balaadhnaa ee lagaga hadlayo hormarinta jidadka Awdal iyo Salal ayaa ka duwanaa kii hore waxana la xusi karaa inuu ahaa mid kulmiyay bulsho wada dareensan baahida loo qabo hormarinta wadooyinka degaanadan isla markaana diyaar u ah in qof walba uu isagu noqdo midka hawsha dhinaca ugu badan qabsanaya.

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama