Boorama-(Lug)-Boon waxa aan ka helnay dad tiradoodu dhan tahay 31 qof oo shuban biyood soo ritay, waxa kale oo tan la wadaaga dergaanka Weeraar oo uu shubanku haleelay 13 qof, cabsi ayaa ka jirta degaanada kale ee fadhi xun iyo degaanka Carawayne, baadhid ayaanan wali samaynaynaa waxa intaas dheer 13 qof oo kale oo uu shuban dhiig haleelay….” Sidaasi waxa yidhi madaxa caafimaadka aasaasiga ah ee gobolka Awdal Mud. Maxamed Cumar X. Yaabe oo hogaaminaya laba kooxood oo ka kala socda Wasaarada Caafimaadka iyo Bisha cas oo hawlo gurmad ah u tagay degaamadaasi.
Mud. Maxamed Cumar X. Yaabe waxa kale oo uu u sheegay wariyayaasha Lughayanews oo uu kula soo xidhiidhay khadka taleefanka in ay degaamadaas ku sugnaan doonaan maalmaha soo socda isla markaana ay halkaasi gaadhsiiyeen dawooyin, wacyigalin balaadhan ka samayn doonaan degaankaasi.
Hadalhaynta xaaladan cusub ee shubanka ka dilaacay degaamadan ayaa isa soo tarayay maalintaa Salasadii ayuun bay ahayd markii qaar ka tirsan oday dhaqameedyada iyo xildhibaanada golaha degaanku ay ku dhawaaqeen in ay jirto cabsida laga qabo in shuban biyood uu ka dilaaco egaano ka tirsan degmooyinka Boon iyo Garbo dadar.
Isuduwaha wasaarada Caafimaadka Dr. cabdi Daa’uud oo isaguna saxaafada dhankeeda kala hadlay ayaa u sheegay in ay jirto xaaladaasi shubanku waxana uu sheegay in ay tahay waqti aynu ku jirno caadi ee bilowga guga ah oo aalaaba ka dhasha biyaha roobabka ee ay dadka deegaanadaaasi isticmaalaan.
Sikastaba ha ahaatee waxa lagu jiraa waqti ay degaano badan biyo dhegeen roobabkii u dambeeyay ee da’ay isla markaana ay suurto gal tahay in xaaladaha caafimaad ee degaano badani ay ka sii darto.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama



Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Shuban Biyood Ka Dilaacay Deaagaano Ka Tirsan Boon iyo Garbo-dadar "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback