Borama-(Lug)-Xubno ka tirsan kooxaha fanka ee G/Awdal ayaa xukuumadda madaxweyne Rayaale ku eedeeyey wax ka qabasho la’aanta dayaca iyo duruufaha nololeed ee haysta kooxaha fanka ee gobolka Awdal.
Fanaanadda caanka ah ee reer Boorama Farduusa Xasan Aye iyo Maxamed Barkhad Bookh oo waraysi arrintaa ku saabsan Lughayanews siiyey ayaa sidoo kale maasuuliyiinta xisbiga UDUB ee G/Awdal ku eedeeyey kuwa fadhiid ah oo aan waxba kusoo kordhinayn xisvbigaasi sidii uu guul uga gaadhi lahaa doorashooyinka soo socda sidaa darteedna looga baahan yahay inay meesha banneeyaan, farduusa Xasan Aye oo arrimahaasi ka hadlaysana waxay tidhi ‘waxaan aad uga xunnahay in dhawr iyo toban sano ku dhawaad kooxaha fanka ee G/Awdal ammaan, hanuunin iyo wacyigelinba u samaynayeen xisbiga talada haya ee UDUB aanay wax abaal ah weli ka haynin xukuumadda Rayaale, isla markaana duruufaha nololeed ee haysta fanaaniinta reer Awdal ay ka duwan yihiin kuwa haysta kooxaha fanka ee saldhigoodu yahay Hargeysa, maadaama kooxaha fanka ee Hargeysa ku sugan ay xukuumaddu ku bixiso malaayiin doolar , isla markaana ay qaataan mushaar joogta ah ilaa maanta aanay jirin hal shakhsi oo ka mid ah kooxaha fanka reer Awdal oo mushaar joogto ah qaata, ma haystaan qalab, xisbiga UDUBna kuma haystaan tixgelin, Dhinaca maamulka xisbiga ee gobolka waxaan leehay, waxa la gaadhay wakhtigii masuuliyiinta gobolka tallaabo laga qaadi lahaa sababtoo ah xisbiga UDUB iyo reer Boorama toona umasoo jiidayaan wax guul ah inay dadka didiyaan mooyee, lana keeno cid u dhaanta kuwa maanta”.
Maxamed Barkhad Bookh kana mid ah kooxaha fanka ee Boorama ayaa isna yidhi ‘waxbadanbaa lahayn Rayaaloow na daadihi, arrintaasi waxaan u malaynayaa inay maanta naga dhammaatay sababtaoo ah kooxihii hadaladaasi ku heesi jiray waxa haysta dayac, itaal ay hadda kaddib UDUB ugu heesaanina way dhammaatay haddii aan deg deg wax looga beddelin xaaladda maanta aan ku sugannahay .ilaa maalintii Rayaale fuulay kuraasta dalka ugu sarraysta ee uu madaxweyne kuxigeenka ahaa ayaan duco ammaan iyo heeso badanba ula taagnayn, maantoo tobansano ku dhawaad kasoo wareegtay wakhtigaasina wax aan ku hadallo ma garanaynno, sidaa darteedna waxn xukuumadda sare iyo xisbiga UDUB ka codsanaynaa inay mar uun soo dayaan dayaca haysta kooxaha fanka ee reer Awdal, Xisbiga UDUB maamulKiisa gobolkanina waa mid liita oo aAn siyaasad iyo horumar usoo jiidayn xisbigaasi, sidaa darteedna waxaan odhan lahayn cid dhaanta halla keeno “.
Hadalada kasoo baxaya fannaniinta gobolka Awdal kuna saabsan maamulka xisbiga UDUB ayaa waxay ka dambeeyeen warar suuqa la isla dhex marayey maalmahan oo sheegeya in maamulka xisbigaasi ee gobolka gacanta loo gelinayo ganacsadaha caanka ah ee la yidhaa Khadar Daahir Fadal balse ilaa imika ma jiraan wax isbeddel oo arrintaasi ku saabsan.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xubno Ka Tirsan Kooxaha Fanka Ee Borama Oo Xukuumadda Ku Eedeeyey Dayaca Iyo Duruufaha Haysta, Maamulka Xisbiga Udub Ee G/Awdalna Ku Tilmaamay Mid An Guul Usoo Hoynayn Xukuumadda "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback