1.jpgMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Waxaa uu Maanta Xafiiskiisa kulan kula yeeshay Wafti ka socda jamhuuriyadda Yemen.
 

Waftigaasi oo muddo dhoor cisho ah booqosho ku joogay Jamhuuriyadda Somaliland waxay Madaxweynaha u sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin sidii fiicnayd ee loogu soo dhaweeyay mudadii koobnayd ee ay dalka joogeen.

1.jpg

Madaxweynuhu waxa uu Waftiga ka socda Dawlada yemen uga waramay xidhiidhkii soo jiraynka ahaa ee ka dhexeeyay labada dal Somaliland iyo Yemen, kaas oo ku qotomay xidhiidh ganacsi iyo iskaashi muddo dheer oo taariikhiya u dhaxeeyey labada shacbi.

2.jpg

Mudane Daahir Rayaale Kaahin, isagoo arintaasi sii faah-faahinayaa waxa uu xussay kulankii dhex maray isaga iyo Madaxweynaha Dalka yaman Cali Cabdale Saalax, Sanadkii 2007-dii taas oo ay ka wadda hadleen sidii loo soo celinlahaa xidhiidhkii taariikhda lahaa ee labada wadan Somaliland iyo Yemen, gaar ahaan Ganacsigii wax ku oolka ahaa ee labada dal ka dhexeeyay.

3.jpg

Madaxweynuhu waxa kale oo carabaabay in somaliland ay ku noolaayeen dad farabadan oo reer Yemen ah, sidoo kalena in dad iyana reer somaliland ahi ay daganaan jireen dalka Yemen sidaa awgeedna ay tahay mid marag madoon ah Xidhiidhkii iskaashiga taariikhiga ahaa ee u dhexeeyay labada shacbi kaas oo u baahan in boodhka laga tumo lana sii xoojiyo.

4.jpg

Waftigaasi ka socday dalka yemen oo uu hogaaminaayo Mudane Maxamed Rawiishaani, waxa ay sheegeen in ay ka furanayaan hada Magalada Hargeysa Caasimadda Somaliland Xafiiska Hay’adda dhaqaalaha ee Dalka Yemen kaas oo si dhekhso ah u hawl geli doonaan.

Waftigu intii ay marayeen Somaliland waxay kulamo kala duwan la yeesheen dhawr Wasiir oo ka tirsan Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Ganacsiga, Arrimaha Gudaha, Hidaha iyo Dhaqanka , iyo Hay’addo kale oo ka tirsan Somaliland”.

ALAA MAHAD LEH


Af-hayeenka Madaxtooyadda

(Siciid Cadaani Mooge)