Hargeysa-(Lug)-Warar xogogaal ah kuna saabsan hoos u dhaca imaatinka dayuuradaha rakaabka iyo ganacsiba leh ee madaarka Hargeysa ayaa sheegeya in lacag xad-dhaaf ah oo lagu soo rogay fadhiisiga dayuuradahaasi
ee madaarka Cigaal international Airport, laga yaabo inay aakhirataanka keento inay Somaliland iman waayaan dayuuradahaasi.
Sida ay sheegeyaan wararkaasi wasiirka duulista iyo hawada Cali warancadde ayaa la sheegeyaa in wareegto kale kusoo saaray in dayuurad kastaa marka ay fadhiisanayso garoonka Hargeysa laga qaado lacag gaadhsya 278 doolar iyo laba doolar oo qof kasta oo rakaab ah la saaro .Lacagtan ayaa la sheegeyaa inaysan ku jirin lacagta kale ee fasaxa garoonkaasi looga qaado oo dhan ku dhawaad 500 oo doolar diyaarad kasta, iyadoo aanay ilaa muuqan wax qiimodhimis ah ama soo dhaweyn ah oo loo samaynayo dayuuradaha imanaya ama ka duulaya garoonkaasi.
Inkastoo aanay jirin garoonno dayuuradeed oo ka shaqeeya guud ahaan dalka marka laga reebo garoonka Berbera ayaa la sheegeyaa in lacagatan duulimaad kasta iyo soo fadhiisi kasta ee lagusoo rogay dayuuradahaasi laga yaabo inay aakhirataanka garoonkaasi ka dhigto mid laga guuro ,loona leexdo garoonada kale ee ku yaalla Puntland ,Jabuuti iyo meelo kaleba.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Qiimaha Fadhiisiga Dayuuradaha Madaarka Hargeysa Oo Kor Loo Qaaday, Hoosna U Dhigay Imaatinka Dayuradaha Ee Garonkasi "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback