Waxa uu Mid Aad u Kooban Balse Dad Badan Sas ku Riday 

boorama.jpgBoorama-(Lug)-Dhulgariir aad u kooban ayaa ku dhuftay magalada Boorama markii saacada gayigani ay ahayd 7:25 daqiiqo, dhuulgariirkan ayaa ku badnaa gudaha magallada Boooama ilaa hadana ma jiraan wax warar ah oo ku saabsan khasaare uu gaysatay oo saxaafada soo gaadhay.

Dhulgariirkan ayaa sida aan sheegnay laga dareemayaygudaha magaalada Borama iyo dagmooyindka Baki iyo Boon waxana wadooyinka suuqyada buuxiyay dad aad u badan oo ka firxaday gudaha goobaha cawayska iyo guryaha ganacsiga ee magalada.

Si kasta ha ahaatee waxa ilaa hada si xoogan u fidaya sheekooyinka hadal haynta ah ee dhulgariirkaasi aan qiyaasta cabirkiisa la lasheegi karin.

Qaar ka mid dhalintii ka soo firxatay gudaha goob ciyaaraha lagu daawado oo aad u naxsan ayaa shabakada Lughayanews ugucabiray dareenkooda si naxdin leh waxana mid ka mid ahi uu yidhi ” waan naxay waxa an moodayay inuu dhulku ila dhaqaaqayo waligay ma arag tan oo kale waxaan u soo boodnay dibada mar kaliya waxana aan isku cidhiidhinay albaabka… wax aan ka ordaynay inuu mar kale dhaco”

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama