Waxaa iminka ka soo wareegay mudo lix bilood ah wakhtigii heshiiska sadexda Xisbi ku gaadheen lixda qodob. Heshiiskaa oo shantiisii qodob ee kale la fuliyay ayaa iminka qodobka kaliya ee hadhsan yahay in la mudeeyo wakhtiga doorashadu dhacayso.
Iminkana waxaana laga sugayaa gudiga doorashada in ay ku dhawaaqaan wakhtiga ay doorashadu dhacayso, taas oo ilaa iminka aanay soo saarin mudo cayiman. Arinta markii hore hor taagnayd mudeynta wakhtiga doorashadu dhacayso ayaa lagu sababeenayay dhamaystirka Serverkii diiwaan galinta, oo Komishanku doorashooyinku sheegeen in kala shaandhayntiisii dib loo bilaabi doono. Haseyeeshee khubaradii iyagu loo xilsaaray dhameenta arintaa ayaa iyagu bishii December dhamaadkeedii siiyay wakhtiga ay ku soo gabo gabeenayaan kala shaandheenta Serverka. Waaana la sheegayaa in wakhtigaasi ku eg yahay bishan March dhamaadkeeda.
Sidaas darteed waxaa dad badani shaki ka muujinayaan waxa ilaa iminka wakhti sugan oo doorashadu dhacayso u sheegi la yihiin, hadiiba kala shaandheyntii ugu waynayd ee iyadu xanibaysay doorashadu iminka gabo gabowday, Serverkiina iminka diyaar yahay.
Hadaba waxaa dhawaanahan soo baxaya dareemo kala duwan oo iyagu shaki ka muujinaya sababta ilaa iminka Komishanka Doorashadu usoo saari la yahay wakhtiga cayiman ee doorashadu ku dhacayso.
Shakigan ku geedaaman wakhtiga sugan ee doorashadu qabsoomayso ayaa dadka qaarba si u fasirteen. Iyada oo fikirka qaar sheegayo in qaar ka mid aha wadamada deeq bixiyayaashu walaac ka muujinayaan xawaaraha hawlaha qaar ku socdaan. Isla markaana aanay garanayn sababta ilaa iminka Komishanku u hortaagan yihiin in ay shaaciyaan mudada sugan ee wakhtiga doorashadu dhacayso, maadaama wakhtigan la qarinayaa laftiisu shaki iyo car qaladayn Xisbiyada iyo komishanka dhexdiisa keeni karo.
Dadka qaar ayaa u arka in xubno ka mid ah Komishanka Doorashooyinku isu tusayaan in iyaga dani ugu jirto hawsha oo daba dheeraata. Mar hadii intaa hawshu socoto iyaguna mushaharku u socdo, sidaasina ku doonayaan in doorashadu ku qabsoonto dabayaaqada sanadkan. Waxaa kale oo iyaduna aan meesha ka madhnayn dareemo shaacinaya in Madaxweyne Riyaale doonayo in doorashada dib looga riixo wakhtiga Qurbajooga usoo xagaa baxaan Dalka, maadaam uu ka baqi qabo in qurba joog faro badani ku sugan yihiin bilahaa Jun, July iyo August dalka. Xisbigiisana aanay dani ugu jiran arintaas maadaama uu qurba jooga la xidhiidhinayo kuwo badankoogu mucaaridka taageera.
Dhinaca kale, waxaa dhawaan la dhaariyay Komishankii Doorashooyinka ee Gobolada Waqooyi, isla markaana waxa muuqata dhaq dhaqaaqyo ka muuqda xafiisyada Komishanka,
Waxa kale oo Dawladda Maraykanka la sheegay inay dhawaan casuumad degdeg ah u fudisay hoggaanka sare ee xisbiyada qaranka Somaliland ee KULMIYE, UDUB iyo UCID. Inkasta oo aanay jirin warar rasmi ah oo arrintan ku saabsan oo ka soo baxay dawlada Maraykanka iyo xisbiyada Somaliland, hasayeeshee waxa la filayaa in ujeedada dhabta ah ee ka dambaysa martiqaadka la xidhiidho hawlaha loogu diyaar garoobayo qabsoomida doorashadda madaxatooyadda iyo sidii aanay mardambe dib-u-dhac ugu iman, iyada oo dawladda Maraykanka iyo beesha caalamkuba niyad-jab xoogan ka qaadeen dib-u-dhacyadii ku yimid doorashadda iyo korodhsiimooyinkii is xigxigay ee loo sameeyey madaxweyne Rayaale.
Si kasaba ha noqotee, waxa muuqata in shacabkii khaati ka taagan yihiin aamusnaatan dabada dheeraatay ee komishanka doorashooyinku ka muujiyeen in ay daah furaan mudada sugan ee doorashadu dhacayso, waxaana shacabka taagan dhegtooda, oo ay dhawrayaan in dhawaan maqlaan mudo go’an oo komishanku doorashooyinku shaaciyo.
Faallo Muxiyadin Saalax
Hargeisa, Somaliland


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maxaa Hortaagan In Doorashada Mudadeedii Ilaa Imika Aan La Shaacin "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback