13.JPGBoorama-(Lug)-Xaflad lagu xusayey maalinta caalamka u aqoonsaday la dagaalanka cudurka qaaxada ama TB-da ayaa maanta lagu qabtay xarunta isbitaalka qaaxada ee Analeno.

13.JPG

Xafladdan oo ay kasoo qaybgaleen masulyiinta caafimaad ee gobolka Awdal , kan degmada Boorama iyo martisharaf kale ayaa khudbado lagasoo jeediyey lagaga sheekeeyey dhibaatada xanuunkaasi ku hayo dadyawga caalamka gaar ahaanna dadka ku nool dalalka saboolka ah .

22.JPG

Isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee G/Awdal Dr.Cabdi Daa’uud ayaa sheegay in sannad kasta wasaaradda caafimaaka ee Somaliland iyo maamulka caafimaadka G/Awdal isbitaalka qaaxada ku daweeyaan tobannan qof isla markaana ay xanuunkaasi ka bogsadeen boqolaal kale ilaa maalintii la aasaasay isbitaalka qaaxada ee Boorama.

Dr .Cabdi Daa’uud ayaa sidoo kale ka hadlay dhibaatooyinka weli horyaalla adeegyada lagu daaweeyo xanuunkaasi sida daawooyinka, qallabka iyo wax kastoo lagula dagaalami karayo xanuunkaasi.

Dr Maxamed Faarax, madaxa isbitaalka qaaxada ee Boorama oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka warramay dedaalka shaqaalaha iyo masuulyiinta isbitaalkaasi ka muujiyeen hawlaha lagula dagaalamayo xanuunkaasi isagoo sheegay in dadka haatan soo fahmayaan dhibaatada cudurkaasi u leeyahay hadii ay qarsadaan loona baahan yahay in had iyo jeer bukaanka lagu dhiirrigeliyo inay daawooyinka joogto u qaataan, isbitaalkana la keeno inta aanu xanuunkaasi naafaynin jidhkiisa .

Munaasabaddan oo ay kooxda fanka ee G/Awdal kusoo bandhigeen maadays iyo suugaan lagaga hadlayo dhibaatooyinka xanuunkaasi u leeyahay dadweynaha reer Somaliland ama reer Awdal ayaa waxa kale oo ka hadlay xubno ka tirsan culimaa’uddiinka iyo masuulyiinta qaybaha kala duwan ee isbitaalka qaaxada.

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama