Hal Ujeedo Iyo Hadaf Kaliya Ayaa Waxa La Isuga soo Baxay Dhamaan Xaafadaha, Goobaha Shaqada, Dugsiyada, Jaamacadaha Iyo Goobaha Kale Ee Dadku Ku Sugan Yihiin Ee Magalada Boorama
Boorama-(Lug)- Dadwayne aad u tiro bidan oo ka kala socfday qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa manta isugu soo baxay khayriyada magaalada Boorama, dadwaynahan oo ay horkacayeen Masuuliyiinta Gobolka Iyo Kuwa Degmada, Maamulka Jamaamacadda Camuud, Salaadiin Aqoonyahano Culimaaudiin Ganacsato iyo qaybo ka tirsan ururada rayidka ah, waxana hawshan soo qaban qaabiyay Gudida Hormarinta Wadooyinka Awdal iyo Salal ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan ASARDA
Isusoobaxan oo ahaa mid ilaa maalintii shalay ahayd la sugay ayaa la isaga soo baxay dhamaan xaafadaha, goobaha shaqada, dugsiyada, jaamacadaha iyo goobaha kale ee dadku ku sugan yihiin ee magalada Boorama. Waxana ay fariintani balaadhan ee manta madashan laga gudbinayay ay ahayd mid salka ku haysa iskaashi balaadhan oo ka soo bilaaabma gobolada Awdal iyo Salal isla markaana ay ka qayb qaataan dhaman Qurbajooga goboladan Xukuumada Somaliland hayadaha Caalamiga ah iyo dhamaan daneeyayaasha kale e wadooyinka gudaha eek u nool dunida dacaladeeda
Maayarka magalada Boorama Cabdiraxmaan Shide oo munaasabadan fuaray ayaa xusay in dhamaan dadka ku nool degaamada Awdal iyo Salal looga Baahan yahay inay ka qayb qaataan hormarinta wadooyinka, waxa uu hoosta ka xariiqay maayarku in ay dawlada hoose ee Boorama hormuud ka noqon doonto hawlaha lawado. Mar uu ka waramayaya hayada ASARDA ayaa wuxuu sheegay inay tahay mid u dhalatay in ay kaga rumayso riyooyinkii dadka ku nool goboladani ay mudada dheer wadaagayeen.
Godoomiyaha Hayada Hormarinya Wadooyinka Awdal iyo Salal ee ASARDA Prof. Xasan Cali Cismaan ayaa isaguna xusay in ay hawlaha wax ka qabashada wadooyinku yihiin mid waajib ah isaga oo dadwaynaha la hadlaya ayaa waxa uuyidhi “ Ma dhisanaa… ma is kaashanaa.. danaheena ma u soo jeesanaa… manta waxa aan kala qaadanaynaa balan balaadhan oo ah in cid walba jeebkeeda iyo muruqeeda ay hurto, waxa aan kaa rabnaa inaad majarafadaada soo qaadato, oo aad shanta boqol ee shaaha ah soo bixiso kuna darsato….. balanteenu waa wax qabadad ilaahayna aan talo saarano”.
Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, Sul. Ibraahim Jaamac Samatar oo iyaguna ka hadlay madashan ayaa xusay inay diyaar u yihiin inay bulsha ay xilsideenada u yihiin u horkacaan dhinaca ka qayb qaadashada hormarinta wadooyinka, salaadiintuy waxa ay ku adkaysteen inay cid walba ku qasbi doonaan inay jeebkeeda iyo muruqeeda wax kaga darsato hormarinta wadooyinka waxana ay xuseen inay darenkaasi la wadaagaan dhaman xilsideenada dhinaca dhaqanka ee gobolada Awdal iyo Salal.
Haweenkii ka hadlay madashan oo ay ka mid ahaayeen Hooyo Sacaada Cadamiyo iyo Basra Jirde ayaa xusay inay haweenku diyaar u jihiin sidii ay iyagu u noqon lahaayeen kuwa ugu badan ee ka qayb qaataa hawshan, waxa kale oo ay xuseen in haweenku ay kaalin muuqata ka qaadan doonaan dhiiri galinta iyo bixinta qaaraanka hawshai u baahan tahay.
Prof. Saleebaan Axmed Guuleed iyo Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar oo labaduba ka hadlay madashan ayaa dhiiri galiyay hawlaha dhinaca bixinta qaaddhaanka ahee la rabo, waxa Sh. Cabdilaahi Sh. Cali uu carabka ku dhuftay in ay maalmahani yihiin kuwo miisaanka xasanaadke ee dhinaca eebe loo kala badin doono… sidoo kale waxa Prof. Saleebaan uu sheegay in loo baahan yahay in ragu ay maalin kaliya u dhaafaan qarashka ay ku bixiyaan cunida jaadka si ay ugu kabaan hawlaha jidadka.
Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Sh. Cabdilaahi Cige oo madashan ka hadlay ayaa isaguna xusay in ay waajib tahay in laga qayb qaato hormarinta wadooyinka waxa kale oo uu xusay in loo baahan yahay in gacmaha la is qabsado loona soo jeesto waajibka muhiimka ah ee hor yaala bulsha manta.
Dadwaynihii tirade badanaa iyo masuuliyiintii ka qayb qaadatay isusoobaxan ayaa socod baabuur iyo lug isugu jirta ku maray wadooyinka waawayn ee magaalada waxana ay tani ahayd talaabo la rabo in lagu mideeyo mawqifka dadka ku nool gobolada Awdal iyo Salal si loo sii amba qaado dhismaha iyo hormarinta jidadka.
Ololeyaahan iyo kuwo kale oo daba socon doona ayaa loo balansan yahay si hawshu u noqoto mid bulshada oo dhani ay ka qayb qaadato.
Wariye:-
Cabdale cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Ololihii Ugu Balaadhnaa ee Bulshada Lagu Gaarsiinayay Ka Qaybqaadashada Dhismaha Wadooyinka Awdal iyo Salal oo Maanta Ka Dhacay Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback